Mahad Salaad oo ka soo muuqday shir xasaasi ah oo ka socda MOMBASA

Mombasa (Caasimada Online) – Taliyaha hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa magaalada Mombasa ee dalka Kenya uga qayb galaya shirka hey’adaha Sirdoonka ee Bariga Afrika.

Shirkaan ayaa looga hadlayaa iskaashiga dhinaca ammaanka iyo isdhaafsiga macluumaadka muhiimka u ah xasiloonida dalalka Geeska Afrika.

Madaxda sirdoonka dalalka gobolka ayaa qorsheynaya in la gaaro Bariga Afrika oo nabad ah, kana caagan wax kasta oo wax u dhimi kara xasiloonida umadaha ku nool.

Madaxda ka qaybgalaysa shirkaan ayaa ka kala socda dalalka Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda, Ethiopia, Burundi, Rwanda, Eritrea, Mozambique, Comoros, the Democratic Republic of Congo, Djibouti, Malawi, South Sudan, iyo Seychelles.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) ayaa xiriir iskaashi oo heer sare ah wuxuu kala dhaxeeyaa Hay’adaha dalalka Gobalka.

Waxaa xusid mudan inay horay ugu guuleysteen howlgallo sirdoon oo ay iska kaashadeen, sirdoonada qaar ka mid ah dalalka shirkaan ka soo qeyb galay iyo sirdoonka Soomaaliya.

Xiligaan waxaa gobolka ka taagan xiisad xasaasi ah oo Soomaaliya kala dhaxeysa Itoobiya, taas oo salka ku heysa damaca guracan ee Itoobiya ay ku soo hunguriyeysay badda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa olole xooggan ugu jirta sidii dunidu ugu dhaleecey laheed Itoobiya damacaan guracan ee badda Soomaaliya ay ku dooneyso, waxaana horay u cadaatay in Soomaaliya ay dhanka diblomaasiyadda uga adkaatay Itoobiya.