Qorshaha guddoomiyaha aqalka sare u aadayo Kismaayo oo la ogaaday

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in diyaar garowga soo dhaweynta guddoomiyaha aqalka sare laga dareemayo magaaladaasi.

Guddoomiyaha aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta tagaya magaalada Kismaayo, halkaasi oo marar kala duwan ay tageen xubno dowladda ka tirsan.

Ujeedada socdaalka guddoomiyaha aqalka sare ee magaalada Kismaayo ayaa la ogaaday inuu qeyb ka yahay dadaalada la doonayo in lagu dhameeyo xalinta Khilaafaadkii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Madaxda Jubbaland oo uu kamid yahay madaxweynaha maamulkaasi iyo xubnaha ugu sareeyo Jubbaland ayaa la filayaa inu kulamo kala duwan la qaato, waxaana ay ka wada hadlayaan dhameynta Khilaafka iyo waxyaabaha Keenay.

Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo kasoo laabtay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geeddi oo qeyb ka ahaa dadka ka qeyb qaadnaya isku soo dhaweynta dowladda Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada.

Xildhibaano ka tirsan aqalka sare iyo golaha shacabka ayaa sidoo kale dadaalaan qeyb ka ah, waxaana Jubbaland ay horey u shaacisay inay wax iska badaleen go’aankoodii hore.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com