Faarax Macalin oo sheegay inuu qabanayo barnamij tv

Nairobi (Caasimada Online) – Siyaasiga Reer Kenya Faarax Macalin Dawaare ayaa kasoo muuqday muuqaal xayaysiin u ah barnaamij uu ka qaban doono mid kamid ah Taleefishinnada ku yaala dalka Kenya.

Intii u dhaxeysa 2007 ilaa 2013 Wuxuu Faarax Macalin ahaa guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka dalka Kenya, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay uu aad kaga hadlayay arimaha gobolka.

Muuqaalka uu kasoo muuqday Siyaasiga dadka hadal hayaan inuu wariye isku badalay, ayaa wuxuu ku sheegay inuu kaga hadli doono xaaladaha ka jira dalka Kenya gaar ahaan Sharci dajinta iyo dhaqaalaha.

Faarax ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijka uu ku marti qaadi doono xeel dheerayaasha qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay kamid yihiin siyaasiyiinta iyo dadka kale, waxaana uu intaa raaciyay in barnaamijka uu soo geli doono toddobada fiidnimo ee maalinta talaadada, wuxuuna socon doonaa saacad.

Kadib wareysi uu siiyay BBC-da ayuu ku sheegay inuusan isaga isku badalin wariye balse uu doonayo in barnaamijkaasi uu ka qabtaa mid kamid ah TV-yada dalka Kenya si loo taxliiliyo xaaladaha dalka Kenya.

”Maya anigu wariye ma noqonin, qaaradda Afrika oo keliya ayaad ku arkeysaa meel ay barnaamijyada dooda ad adag ay daadihiyaan dad iska caadi ah oo wariyeyaal ah, meelaha kale waxaa barnaamijyadaasi daadihiya dadka dhiga jaamacadaha” . Waxaa sidaasi BBC-da u sheegay Faarax Macallin.

”Meesha keliya ee sida dhabta ah la isku la xisaabtami karo waa warbaahinta, waxaana aan dareemay in warbaahinta Kenya xogta lagu soo bandhigi ay aad u yartahay”. Ayuu raaciyay Faarax Macallin.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com