Amb. Tarsan oo ka hadlay magacaabistiisa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doono dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo shalay warqadaha aqoonsiga laga guddoomay ayaa ka hadlay howlaha horyaala safaaradda iyo waxyaabaha uu xooga saari doono.

Tarsan, ayaa ugu horeyn u mahadceliyay xubnihii ka horeeyay ee ka shaqeynayay safaaradda magaalada Nairobi, isagoo sheegay in fariinta madaxweyne Farmaajo ee la xiriirta xiriirka diblumaasi ay xooga saari doonaan dhaqan gelinteeda.

Isaga oo ka hadlayay warqadihii laga guddoomay ayuu sheegay in dowladda Kenya ay muhiimad weyn u leedahay Soomaaliya, islamarkaana ay wanaajin doonaan xiriirka dalalka Kenya iyo Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuusan jirin Dal Soomaaliya kaga muhiim Kenya, isaga oo aan cadeyn wuxuu kala jeeday arintaasi “Ma jiro dal Kenya nooga muhiimsan, Kenyattana waan u sheegay isagana wuu igu raacay”ayuu yiri Tarsan.

Mar u ka hadlayay Waxyaabaha uu ka shaqeyn doono ayaa wuxuu sheegay inuu xooga saari doono sidii isku socodka Soomaalida iyo Kenya u hagaagi lahaa, taasi oo qeyb ka qaadaneyso xoojinta dhaqaalaha labada dal.

Xiriirka Kenya iyo Soomaaliya ayuu sheegay inuu ku dhisan yahay Is aaminaad, Wax wada qabsi iyo iska Warqad, taasina uu sii xoojin doono muddada uu hayo xilka safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya.

Tarsan ayaa kamid ahaa shaqsiyad Mucaarad ku ahaa dowladdii Xasan Sheikh, laakiin hadda heshiis kula jira dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com