Qorshaha wada-hadalka ay dalbadeen odayaasha ka wakiilka ah Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab waxaa laga soo warinayaa damac wada-hadal. Waxaa la helay codka mid kamid ah odayaal Shabaabku iska soo hormariyeen oo ergo ah si ay qabiilada ula hadlaan.

Codka la baahiyey, oday dhaqankaan safka Shabaabka jooga wuxuu ku sheegay inay Al-Shabaab diyaar u yihiin inay ka baxaan dhulka hal beel, nabadoonku mar wuxuu u muuqanayaa mid afkii Shabaabka ku hadlaya marna mid u naxayaa dadka isku beesha ah ee ku dhimanaya labada dhinac.

Wuxuu sheegayaa inay yihiin seddex oday oo ay Al-Shabaab usoo xil saartay inay wada-hadal uga baxayaan dhulka hal beel laakiin aan looga daba imaanin dhulka beelaha kale ee Soomaaliyeed.

Dhawaan waxaa kaloo soo baxay warar sheegaya inay Al-Shabaab wada-hadal ka dalbadeen beesha hoggaamineysa dagaalka ka socda gobolka Hiiraan, Galgaduudna heshiis cusub ayey kooxda ka dalbatay mid kamid ah beelaha gobolkaasi daga si ay culeyska isaga yareyso.

Dhammaan tallaabooyinkaan waxaa laga aqrisan karaa jabka culus ee dagaalada socda kasoo gaaray kooxda Al-Shabaab iyo dhab ahaanshaha aragtidii waqtiga fog la aaminsanaa ee aheyd inaysan Al-Shabaab u babac dhigi karin haddii ay qabiilada kacaan.

Haddaba Al-Shabaab wada-hadal ma lala geli karaa waqtigan?

Dad badan ayaa waqti dheer taageersanaa in Al-Shabaab wada-hadal lagu xaliyo arrintooda oo ay qeyb ka noqdaan nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya, laakiin marka la eego dhibaatada ay geysatay kooxda iyo halka uu dhaqankooda taabtay waxaa dhinaca kale taagan dad dalbanaya inaysan furneyn albaab aan aheyn in toos loogaga adkaado kooxda.

Hadda Al-Shabaab waxay ku jiraan waqtigoodii ugu xumaa laakiin weli waxaa lagu eedeynayaa inay wadaan afduub shacab, ceelal duugis, sumeynta ceelasha shacabka leeyihiin, qaraxyo iyo qafaalashada xoolo nool.

Dagaallada ka socda gobollada dhexe ee Soomaaliya waxay banaanka soo dhigeen, ayey leeyihiin khubarada amniga, itaal yarida kooxda Al-Shabaab. In Al-Shabaab laga aqbalo inay ka baxaan deegaano gaar ah waxay dhaawac ku tahay dowladda Soomaaliya.

Waxaa macquul ah in qabiilada qaar ka haraan dagaalka haddii Al-Shabaab ka baxdo dhulkooda balse dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa loogu baaqay inay ka hor tagto wada-hadalka noocaas ah, si uusan u dhantaalin kacdoonka socda.

Caalamka, kooxo badan oo sida Al-Shabaab u gumaado shacabkooda ayaa ugu dambeyn qeyb ka noqday maamuladii ay kasoo horjeedeen qaarna waa loo diiday fursadaas oo waxaa laga dhigay qaar la laayey iyo qaar xabsiga la dhigay.

Mowduuca wada-hadalka inaan weli la gaarin ayey dadka qaarkiisa qabaan, kuwaas oo ku talinayo in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Qorshe ay kooxda isaga dajineyso culeyska dagaalka ayna rabto inan dib isugu soo abaabusho ayuu sidoo kale noqon karaa, ayaa la leeyahay dalabka wada-hadalkaan.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya weli kama jawaabin qorshaha Al-Shabaab kula xiriireyso qabiilada qaar iyadoo la dalbaneyso wada-hadal taas oo haddii aysan dowladda aragti ka yeelan daciifin karto wada-hadalka socda.