Sawirro: Xasan Sheekh oo ka degay Uganda – Muxuu yahay qorshaha safarkaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Uganda, halkaas oo booqasho ay uga bilaabatay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Kampala, halkaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu wada-hadallo uu kula yeela doono madaxda Uganda.

Madaxtooyada oo war ka soo saartay safarkaan ayaa sheegtay in madaxweynuhu uu wadahadallo ku qotoma xoojinta iyo garab istaagga halganka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab uu la yeelanayo Madaxda dalkaas, si taageero heer gobol ah loogu helo howlgallada socda, lana xoojiyo iskaashiga ku aaddan amniga.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu kala qeyb geli doonaa Madaxda dalalka Gobolka xuska 60-guurada Uganda ee ka soo wareegtay xornimadooda, iyadoo Soomaaliya ay safka hore kaga jirtay dalalkii ku taageeray halgankii xornimo doonka Uganda.

Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Uganda sannad-guurada 60-aad ee ka soo wareegtay xornimada dalkaas oo ay u dabbaal degayaan maalmahan, isagoo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay uga mahad-celinayaan doworka ay ka qaadanayaan ciidamada Uganda, nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.