Qorsho yaab leh oo uu CC Shakuur xildhibaanimo ku doonayey oo fashilmay.!!

Muqdisho (Caasimadda Online) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya isla markaasna la kulmay cadaadis aad u weyn ayaa doonayo inuu helo xasaanad si uu usii wato mucaaradnimadiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Muqdisho lagu xiray kadib markii ay gurigiisa weerareen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa isaga tagay Muqdishi, waxayna dowladda ka kansanshay kulan loogu qaban lahaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Haddaba Cabdiraxmaan  Cabdishakuur ayaa isku dayey qorsho yaab badan oo ku aadan sidii uu uga mid noqon lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga Beesha C/raxmaan C/shakuur waxaa ku fadhiya Ganacsade weyn oo lacag badan ku bixiyey kursiga si uu xasaanad ugu helo, kaasoo ah xildhibaan Siciid Nuur Gariish, waxaana in muddo ah socday sidii loogu qancin lahaa inuu saayasiga beesha ku wareejiyo kursiga.

Milkiilaha Shirkadda diyaaradaha ee Jubba Airweys Siciid Nuur Giriish ayaa la sheegay inuu diiday qorshahan, iyadoo ay cadaadis weyn saareen odayaasha beesha iyo waxgaradka, iyadoo ay adag tahay inuu aqbalo arrintan.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi ku saabsan haddii kursigu bannaanaado inuu ka qeyb noqdo musharax ay wataan madaxda dowladda federaalka kuna dagaalamaan inuu ku soo baxo kursigaasi, taasoo ah khatar kale oo heysata damaca xildhibaanimo ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Arrimahan oo dhan waxay qorshaha C/raxmaan C/shakuur ka dhigeen mid ay adag tahay inuu shaqeeyo, waxaana sii adkaanaya fursadaha uu heysto si uu uga mid noqdo xildhaabana Baarlamaanka Federaalka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ku sugan  Yurub, wuxuuna doonayaa inuu laba jibaaro qorshaha uu kaga soo horjeedo dowladda Soomaaliya oo iyada mar u adeegsaday howlgal Militari oo keenay in Maxkamad la saaro.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ku qasban inuu sugto doorashada soo socoto si uu uga mid noqdo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo uu la kulmi doono cadaadis ku aadan kursiga Beeshiisa maadaama ganacsadahaan uu yahay nin lacag badan ku bixin karo si uu u difaacdo booskiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com