Xabaale ku yaal Muqdisho oo meydadkii ay banaanka usoo baxeen iyo halis ka taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaalad halis ah ayaa ka taagan xeebta degmada Xamar-jajab ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay banaanka u soo baxeen xabaalaha Iskuul Boluusiya oo badda kaabiga ku haya.

Hirka badda oo karkaarada soo dhaafay ayaa banaanka u soo saaray lafaha meydadkii ku aasnaa qabuuraha ku yaalla halka loo yaqaano iskuul Boluusiya ee degmada Xamar-jajab.

Goobtaas ayaa caan ku ah fagaaraha lagu toogto dadka la qisaasayo, waxaana ku yaalla qabuuro aad ugu dhow xeebta, kuwaas oo hadda ay baddu soo gaartay.

Soomaaliya ayaa gashay xilligii xagaaga, waxaana caasimadda Muqdisho maalmahaan ka da’aya roobka xagaaga, iyadoo xiligaan oo kale ay is bedesha cimillada badda.

Dadka ku nool quryaha xiga xeebta, gaar ahaan degmada Xamarjajab ayaa qeylo dhaan ka soo saaray xaaladda ka jirta qabuuraha Iskuul Boluusiya, oo meydad hor leh lagu sii aasayo maalin kasta.

Warbaahinta gudaha oo maanta warbixino ka soo diyaarisay goobtaas ayaa soo bandhigtay qoysas meydadka ehelkooda kala baxa qabuurahaas, si goobo kale ay ugu aastaan iyo xabaalo ay biyaha baddu banaanka u soo saareen.

Hoos ka daawo warbixin ay ka diyaarisay Dalsan TV