R/W ROOBLE oo kulamo ka wada Baydhaba + Sawirro

Bayddhabo ( Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ayaa kulamo kala duwan ka bilaabay gudaha magaaladaasi, kuwaas oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Rooble ayaa si gaar ah kulan ula qaatay golaha wasiirada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana goobjoog ahaa xubno ka mid ah golihiisa wasiirada.

Kulankan oo uu wax ka guddoomiyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa waxaa looga hadlay arrimo la xiriira wada-shaqeynta Koonfur Galbeed & dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday muhiimada ay leedahay isku xirka hay’adaha maamulkaasi iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad wadashaqeyn wanaagsan yeelataan, iskana kaashataan howllaha muhiimka u ah dadka aad matashaan iyo tan guud ee Qaranka Soomaaliyeed. Sidoo kale waa in la xoojiyaa wada shaqeynta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha ayaa la kulmay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka magaalada Baydhabo oo uu kala hadlay xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Ing. Rooble ayaa kula dar-daarmay inay qaataa doorkooda ku aadan taageerada dowladda iyo nabad-gelyada, si dalka uu uga gudbo marxalada kala guurka ah.

Waa safarkiisii ugu horreeyey ee uu Rooble ku tegay magaalada Baydhabo, tan iyo markii loo magacaabay ra’iisul wasaaraha bishii September ee sanadkan 2020-ka.