Xog: Cabdi Xaashi oo ku biiraya shirka ka socdo Muqdisho ee mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu wadaa in maanta uu ku biiro shirka madaxda mucaaradka uga socdo magaalada Muqdisho.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in madaxda shirkaas ka qeyb galeyso ay casuumeen guddoomiye Cabdi Xaashi, oo la arko mas’uulka kale ee ka mid ah xubnaha sare ee dowladda ee dhex-dhexaadka ka ah arrimaha doorashada, islamarkaana uu ka aqbalay.

Haddii Cabdi Xaashi ku biiro shirkaan ayaa loo arkaa wax weyn oo badali kara dareenka beesha caalamka iyo in badan oo kamid ah oo shacabka Soomaaliyeed, maadaama sumcad badan uu dalka ku dhex leeyahay.

Cabdi Xaashi ayaa dhowr jeer muujiyay qeyla dhaan uu ka qabo sida ay dowladda Soomaaliya u soo magacaawday guddiga doorashada ee gobalada waqooyi, wuxuuna magacaabay guddi lid ku ah kan dowladda.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ayaa habeen hore magacaabay guddi kale iyadoo hore xukuumada u magacaawday guddi kale oo hore u jiray.

Shirka ayaa waxaa shalay ku biiray ururada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed oo qeyb weyn ka ah doorashada Soomaaliya, ahna xubno ay si weyn u dhageysato beesha caalamka.

Sidoo kale shirkaan ayaa waxa ku biiray odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed waxeyna arrintaas sii kordhin doontaa culeyska saaran madaxda dowladda Soomaaliya ee ah inay wax ka beddelaan guddiyada doorashada eel aga horyimid.

Dhinacyada kusii biiraya shirka ayaa la rumeysan yahay inay cadaadiska ku kordhin doonaan dowladda.