Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Tigray oo xaalad cusub ay kusoo korortay

Addis Ababa (Caasimadda Online) – Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamadeedu maanta ay magaalada  Idaga Hamus ka qabsadeen xoogaga u daacad ah xukuumadda gobolka Tigreyga  kadib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

Qoraal ka soo baxay guddiga xaaladaha deg-dega ayaa lagu sheegay in magaalada oo ku taala halka laga galo magaalada Mekelle ee xarunta tigreega ay gacanta ciidanka gashay.

Idaga Hamus oo ah Magaalada ay ciidamada Dowladda Itoobiya la wareegeen  ayaa waxay 97km u jirtaa Magaalada Mekelle ee caasumada ismaamulka tigreega .

Ciidanka Itoobiya ayaa seddexdii cisho ee ugu dambeysay qabsaday magaalooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin Shire, Axum, Adwa iyo  Adigrat.

Maamulka Tigray ayaa sheegay in dad rayid ah lagu laayey dagaalka ka dhacay magaaladaas laakiin faahfaahin intaa dheer may bixin.

Madaama oo telefoonnadii iyo internet-kiiba go’an yihiin way adagtahay in la xaqiijiyo wararkaas. Midowga Afrika aya sheegay inuu ergo dirayo, waxaana isa soo taraya baaqyada Qaramada Midoobay ee xabbad joojinta ah si loo helo marino gargaarka aadamenimo la mariyo.

Laakiin warfidiyeenku waxay sheegayaan in xukuumadda ra’isal wasaare Abiy Axmed aanay waxba ka soo qaadin dedaalkaa dhexdhexaadinta ah oo aad mooddo iney ka go’an tahay in dagaalku sii socdo.

Dhanka kale Jimcihii dowladda waxay sheegtay inay ciidamadeeda la wareegeen magaalooyiinka Aksum iyo Adwa.

Dowladda ayaa sheegtay in xooggagii kula dagaalamayay magaalooyiinkaasi “ay is dhiibeen”.

Magaalada Aksum ayaa ah mid ka mid ah magaalooyiinka ugu waawayn gobolka Tigrey, halka magaaalada buuraleyda ah ee Adwa sidoo kale lagu tilmaamay magaalo istaraatiji ahaan muhiim ah.

Horraantii toddobaadkan ciidamada dowladda dhexe waxay la wareegeen magaalooyiinka Shire iyo Raya.