Musharaxiinta ku shirsan Muqdisho oo dalab culus u diray A/Madoobe iyo Deni

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ee maalintii labaad ku shirsan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay codsi ugu direen madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in baaritaan ay sameeyeen musharaxiintu ay ku ogaadeen in xubnaha guddiga doorashada ee heer federaal kuwooda ka yimid Jubbaland iyo Puntland ay ku jiraan xubno ka tirsan shaqaalaha rayid ah ee maamulladaas.

Musharaxiinta ayaa ka codsaday madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay dib u eegis ku sameeyaan, oo ay soo bedelaan xubnaha ka tirsan shaqaalaha rayidka ah ee ku jira labada guddi.

“Waxaan mar kale ku celineynaa in magaxcaabista guddiyada la waafajiyo heshiisyadii doorashada ee horay loo gaaray, dastuurka Jamhuuriyadda iyo sharuucda kale ee dalka, si loo helo doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Illa 14 Musharax ayaa ku saxiixan qoraalkan dalabka loogu diray madaxda Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo maalinkii labaad shir ku yeeshay magalada Muqdisho, waxayna ka wada-hadlayaan arrimaha doorashada iyo sidii ay wax uga bedeli lahaayeen hanaanka loo maamulayo haatan, oo aysan ku qanacsaneyn.

Isniinta berri ah ayaa la filayaa inay ka soo saaran war-murtiyeed dhameystiran oo ay ku cadeynayaan mowqifkooda ku aadan doorashada iyo tabashada ay ka qabaan habka ay wax u wado Villa Somalia, iyagoo horay u balan qaaday inuu ka soo yeeri doono go’aan ay ku mideysanyihiin.

Hoos ka akhriso qoraalka