SOMALILAND oo Masar u jeedisay eedeyn la xiriirta dagaalka gobolka Tigray

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa weli laga deyrinaya xaalada Itoobiya oo toddobaadyadii u dambeeyay uu ka socday dagaal xoogan oo u dhaxeeya maamulka Tigreyga iyo dowladda federaalka dalkaasi ee uu hogaamiyo ra’iisal wasaare Abiy Axmed.

Dagaalka Tigreyga iyo xukuumada Abiy Axmed ayaa sii xoogeysanaya, iyada oo ay soo baxayaan inuu dal kale gacan ka geysanayo dagaalkaasi, sida uu sheegay guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan.

Guddoomiye Saleebaan oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dagaalkaasi ay qeyb ku leedahay xukuumadda Masar, taasi oo uu sheegay inay ugu soo gabaneyso Sudan oo xad ay wadaagan dalka Itoobiya.

Saleebaan ayaa sidoo kale xusay in dagaalkaasi uu saameyn xoogan ku yeelanayo gobolka, haddii uu kasii daro dagaalka ka socda Itoobiya ee u dhaxeeya maamulka maylka adag ee Tigreyga iyo dowladda federaalka ee dalkaasi.

Waxa kale oo uu ka digay in xiisada dagaalkaasi lasii huriyo, isagoona soo jeediyay in xal nabadeeda lagu dhameeyo dagaalkaasi oo toddobaadyadii u dambeeyay ka holcayay Itoobiya.

Hadalkan ayaa imanaya xili uu soo baxayo tuhun la xiriira in dagaalkaasi ay qeyb ka tahay dowladda Masar oo xiisad xoogan kala dhaxeyso Itoobiya, taasi oo ku qotomta biyo xireenkeeda webiga Nile-ka.

Si kastaba, dagaalka maamulka Tigreyga iyo xukuumadda Abiy Axmed ayaa u muuqda mid kasii daraya, xili ay beesha caalamka ku baaqday in labada dhinac ay iskugu yimaadan miiska wada-hadalka, hase yeeshe ay ka madax adeygayso dowladda federaalka oo u aragta in madaxda TPLF ay awood is-bideen.