R/W Rooble oo shaaciyey sababta loo furay jidadka Muqdisho iyo qorshe kale oo DF ay damacsan tahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble goor dhaw hadal ka jeediyay xaflad uu ka qeyb galay oo lagu furayey wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa codsi u diray dadka reer Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in wadooyinka haatan la furay ay ku qiimeyn doonaan kuwa weli xiran, isla markaana ay wada furi doonaan mar aan dheereyn hadii ay guuleysato wada-shaqeynta shacabka iyo dowladda.

Waxa uu xusay in sababta kaliftay in la xiro wadooyinka ay tahay amni darro ka jirta caasimadda, balse inay hadda furaan qaar ka mid ah ay ugu dhiiradeen si tijaabo ah, hadii tijaabadaas ay guuleysatana waxa uu sheegay in la furi doono inta dhiman jidadka Muqdisho.

“Bil ka hor waxaan ka mid ahaa shacabka reer Muqdisho ee ku dhib qabay wadooyinka xiran ee Muqdisho, waxaan rabaa inaan fariin u diro shacabka Muqdisho, waan ogahay inaad dhibaateysantihiin oo caafimaad iyo waxbarasho aadi weyseen, balse waxaan inka codsanayaa inaad mas’uuliyadda amniga nala qaadaan oo nala qabataan dadka fara ku tiriska ah ee amnigeena dhibka ku haya,” ayuu yiri Rooble.

“Hadda wadooyinka aan furnay waxaan ku tijaabineynaa sida ay dadku noola shaqeyaan qorshuhuna waa hadii ay guuleysato wadashaqeyntu inaan shacabka u furno inta dhiman,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Xafladaas ayaa waxaa ku sugnaa guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo dhawaan shacabka reer Muqdisho u balan qaaday in la furi doono wadooyinka xiran ee magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in madaxdu ay isla garteen in wadooyinka la furo intii la awoodo oo amnigu saamaxayo.

Qorshahan ayaa qeyb ka ah ballan-qaad ay horey u sameysay dowladda federaalka ah ee uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo, walow lala soo daahay fulinta ballan-qaadkan oo ku soo aaday, xilli uu sii dhamaanayo mudo xileedka dowladda.

Dhagxaanta laga qaaday isgoys-yadaasi ayaa lagu xiray kuwa kale oo ku yaalla wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Meelaha la dhigay waxaa ka mid ah isgoyska Ifka Xalane, xaruntii Telefishinka oo u dhow isgoyska Miisaanka Dhuxusha iyo meelo oo ka mid ah jidka Warshadaha.