Shukri Hassan: 2003 wixii ka dambeeyay Nederlands waxaa laga mamnuucay caruurta in la dharbaaxo

Shukri Sheekh Hassan oo ka mid ah madaxda ururka Iftin,  una qaabilsan qeybta mashaariicda ayaa siisay wareysi dhinacyo badan taabanaya shabakadda Somnieuws, ee ka faaloota arrimaha Soomaalida Holland.

Shukri marka laga tago ururka Iftin, waa khabiir ku taqasusay arrimaha la xiriira koriinka & barbaarinta caruurta, waxayna  la shaqeysaa hay’ado caalami ah iyo kuwa caawiya dadka qaxootiga, waxaanna hay’adaha ay la shaqayso ka mid ah [Vluctelinwerk], waxay in muddo ah hormuud ka ahayd tababaro la siiyo dadka magangelya-doonka ah sida Soomaalida, Eretereeyaanka, Itoobiyaanka, Suuriyaanka & Ciraaqiyiinta.

Shukri, howsheedu intaa keliya kuma koobna  waa agaasimaha hay’adda Tusmo, hay’adaas oo qaabilsan tababarida iyo  talo siinta waalidiinta ajnabiga ah sidii ay ula qabsan lahaayeen nolosha dalalkan galbeedka.

“Waxaan ka mid ahaa dufcadii u dambaysay ee dhiganaysay Jaamacadda sharciyadda ee Muqdisho burburkii ka hor, meel kasta oo aan tago waxaan qalbiga ku hayay inaan waxbarashadayda sii wato, haddana waxaan qalinka u qaatay inaan barto Cilmiga “Pedagoo” oo aan ka qaatay shahaadada darajada 1-aad, anigoo u arkay inuu cilmigaasi ay   bulshadeenu u baahan tahay  si dhibaatooyinka ka dhex dhaca xal loogu helo, oo aan u ogaano meelaha dhibaatooyinka ay innagaga imaanayaan, iyo sida looga hortegi karo” ayeey ku bilowday wareysigii lala yeeshay Shukri, waxayna xustay in weligeed ay ahayd qof ku hamin jirtay in ay noqoto shaqsi waxtar u leh dadkeeda, cilmi kasta oo ay baratana lagu intifaaco.

Shukri, waxay sharaxday sida cilmiga  [Pedagoo]  ee ay baratay u kaabi karo nolosha bulshada Soomaalida, gaar ahaan waalidiinta.

“Tusaale, 2003-dii wixii ka dambeeyay dalkan Nederlands waxaa mamnuuc laga dhigay caruurta in la dharbaaxo, wixii xilligaa ka horreeyey waa dhici kartay in caruurtaada aad dhabarka  dharbaaxo nuuc dhiiragelin oo kale ah aad kaga dhifato, taas xittaa waa la mamnuucay, annaga haddaan Soomaali nahay waxaa ka nimid meel waalidku ay ul haystaan, 2da dhaqan farqi wayn ayaa u dhexeeysa, waalidiintu haddii aysan fahmin shuruucda dalka, waxay halis u yihiin in dhibaato la soo deristo, cilmigan wuxuu kugu hagayaa sida aad xiriir is faham ku dhisan aad caruurtaada ula yeelan lahayd adigoo aqoontu ay ku hagayso”

Shukri, waxaa la waydiiyay su’aal ahayd,  maadaama  ururka Iftin oo ka mid yahay ururada active-ka ah, ee ka shaqeeya arrimaha bulshada, sida wacyigelinta, isdhexgalka & sidii waalidiinta iyo caruurta loo caawin lahaa, in ay inoo sharaxdo adeegyada ay bulshada u qabtaan, waxayna ku jawaabtay: 

“Ururka Iftin, waxaa la aasaasay 2004-ti waxaanna aasaasay aniga iyo gabdho kale, maadama ay jireen baahiyo badan oo dumarka Soomaalida ahi ay qabeen, wuxuu ku soo beegmay aasaaskiisa xilli ay Soomaali fara badan dalkan Nederlands ka guurayeen una guurayeen UK, waxyaabaha sababta u ahaa waxaa ka mid ahayd;  luqada dalkan oo adag iyo  dadkeena qaxootiga ku yimid oo ay ku jireen dad wax soo bartay, oo  shaqooyin u qalma in ay helaan ay ku adkaatay  luqada dalkan oo adag darteed,   taas ayaa ku kaliftay waalidiin badan in ay dalkan ka guuraan” 

Shukri waxay kale oo ay sheegtay in howsha ururka markii ay billaabayeen in ay ku billaabeen hannaan iskaa wax u qabso ah, waxaanna iyada oo sharaxaysa ay tiri:

“Annaga Iftin waxaan howsha ku billownay inaan qaab iskaa wax u qabso ah [vrijwilligers] dadka u caawino, oo ay gabdhaha Soomaaliyeed meel isugu tagaan, oo ay gorfeeyaan xaaladaha ay ku sugan yihiin, isla taliyaan qofba wixii qofka kale uu dheer yahay”

Shukri Xassan, mar ay ka hadlaysay mashaariicda najaxay ee ururkoodu fuliyay waxay soo qaadatay in sannadihii 2006-dii, 2009-kii ilaa xilligan hadda la joogo ay fuliyeen mashaariic bulshadu ku faa’iiday.

Mar ay Shukri is dul-taagtay xiriirka  waalidiinta iyo caruurta, waxay tilmaantay in fikirka dadka qaar ay qabaan ee ah; dadkani waa gaalo isku dhaqan iyo diin ma nihin, aysan ahayn wax jira, oo gaalka laftigiisa wixii wanaagsanna aad kaga dayan karto wixii diinta iyo dhaqankaaga khilaafyana aad iska diidi kartid.

“Qofku isagaa xor ah,  kuma filna, in la yiraa dadkan  waa gaalo oo keliya, waa in la darsaa kala duwanaanshaha dhaqanka, oo la is waydiiyaa maxay tahay farqiga inoo  dhexeeya.? Maxay innaga fiican yihiin oo aan ka baran karnaa.? Maxaa diidaya inaan sifooyinka wanaagsan kaga daydo.? Caruurta waa in lala hadlaa, oo aan la dilin, dilku wax ma hagaajiyo,  baaritaanno  ay dadkani sameeyeen ayeey ku ogaadaan in dilku waxyeelo u gaysto maskaxda caruurta, dhaqanka caruurta la dilo waxaa nagala mid ah dalal dhowr ah,  waalidiintu waa dad mas’uul ah, ilmahoodana jecel” Ayeey tiri Shukri, waxay difaacday in waalidiinta Soomaalidu ay yiihin dad wanaagsan, si gaar ah waxay u ammaantay hooyooyinka oo intooda badan isku haya kaalmihii aabaha & hooyada.

Shukri Xassan, mar ay ka jawaabaysay su’aal kale oo ahayd in waxqabadkoodu aanu ku koobnayn dalkan keliya, oo ay wax mashaariic ah ka fuliyeen dalka gudihiisa, waxay ku nuuxnuuxsatay in aysan jirin mashaariic ururkoodu si toos ah kaga fuliyay Soomaaliya, hasse ahaatee ay jiraan tababaro ay shaqsiyadan iyadu dalka ka fulisay.

“Waxaa jira mashruuc ay hadda ka hor iska kaashadeen IOM-ta & FSAN oo aan casharo marna ka bixinay Muqdisho marna Garoowe, Muqdisho  Wasaaradda waxbarashada ayaa siinay casharo la xiriira habka loo caawiyo ilmaha baahiyaha gaarka ah qaba, Garoowe na Dugsiga tababarka macalimiinta ee Garoowe ayaa koorso ka bixinay oo  waxaan soo siisnay tababar ah  habka la dhaqanka caruurta”

Mar la waydiiyay Shurki su’aal ahayd, maadaama ururkeedu ka dhisan yahay magaalada Amsterdam ee caasimada, ayna halkaasi ka jiraa ururo kale oo Soomaali maamusho oo tiro badan, sida ururadaasi ay waajibaadka shaqo u qeybsadaan, waxaana ay ku jawaabtay:

“Waa su’aal fiican, ururada Soomaalida waa is wada yaqaanaan, ama xiriir ayeey wada leeyihiin ama iyaga ayaa isa soo raadsado,  annaga howsheenu waxay u badan tahay dhanka dumarka, teeda kale annagu dadka aan wax u qabano Soomaali keliya ma ahan waxaan caawinaa qaxootiga dalal dhowr ah, hooyooyinka waxaan u kaxeeynaa fasaxyo, sannadkii 2 jeer ayaa fasax gaynaa, hadda maadaama uu jiro Covid 19 fasaxii waxaan ku beddelnay inaan caruurta aan dalka gudihiisa u dalxiis gayno, 120 dumar ayaa kaxaynaa, maalin walba hooyo cusub ayaa nagu soo biirta,  waxay nagu ogaadaan   hooyada kale ayeey ka maqlaan, sidaas oo ay tahay ururada Soomaalida uma kala qeybsana shaqada”

Shukri, mar la waydiiyay ururada iyo hay’adaha Soomaalidu ay maamusho ee ka jira dalkan haddii ay jiraan wax qura oo ka middeysan yihiin kulligood, mid waliba ay tahay inuu ilaaliyo.

“Haa waa jirtaa, badanaa waxaa isku mowqif ka nahay ilaalinta Midnimada Soomaalida. Holland waan kaga duwanahay dalalka kale, ma qabno jaaliyad qabiil, waxaan diidanahay xulufeysi qabiil, hadafka aan ka mideysanahay wuxuu yahay Soomaalinimo, waxaa tusaale kuu ah sida mar walba loogu mideysan yahay ka qeybqaadashada masiibooyinka, haddii ay tahay fatahaadihii ka dhacay B/weyne ama tii ka dhacday Qardho.

Waxaa kale, oo ay ka jawaabtay in dalladda FSAN oo ururkeedu ka mid yahay ururada ku mideysan in mashaariicda ay fulinayaan go’aaminteeda dalladu ay wax ku leedahay, waxayna ku jawaabtay:

“FSAN waxaa xubin looga mid noqday inay noqoto geed la harsado, waa fagaare ay kaga doodaan ururado fikradaha ay kala qabaan ama wixii waaya-aragnimo ah ay isku dhaafsadaan, urur walba sharcigiisa ayuu leeyaay, FSAN wax shaqo kuma laha mashaariicda ururadaasi ay fulinayaan.  

Waxaa kale, oo la waydiiyey in shaqsiyaadka madaxda ka ah ururada Soomaalida in xaq loogu leeyahay in la soo gole joojiyo, waxna laga waydiiyo  sida ay mudnaanta u kala siiyaan shaqooyinka ay mushtamaca u qabanayaan, waxayna su’aashi kaga jawaabtay:

“Mas’uuliyadu waa ammaano, qofka ammaano marka loo dhiibto waa inuu xafidaa, dadkii u dhiibtayna ku soo war celiyaa halka ay wax u marayaan, madaxda ururadu marka ay la xiriirayaan hay’adaha codsiyadooda waxay ku lifaaqaan baahiyaha ay qabaan mushtamacooda, marka mushtamicii aad magaciisa wax ku dalbaysay ama ku hadlaysay waa inaad dhagaysataa, tusaale, annaga Iftin tillaabo kasta oo aan qaadayno haweenka xubnaha ka ah ururka waa kala tashanaa, maalin dhoweyto safar ayaa u bixi lahayn Covid19 dartii waa inoo suurtageli waysay taladii waxaan ku soo celinay hooyooyinka iyaga ayaa go’aan ka gaaray.

Su’aasha ugu dambeysa ee Shurki la waydiiyay waxay ahayd, haddii ay fursad u heli lahayd ineey  talo siiso madaxda ururada Soomaalida, talladaasi maxay noqon lahayd, waxayna ku jawaabtay:  

“Taladeyda waxay noqon lahayd ururo badan iyo dhalinyaro wax tar leh oo dhiig cusub ah ayaa  soo baxaya, oo dadka in ay wax u qabtaan doonaya in kuwaasi la dhiirageliyo, ururadu waa in ay kulmaan oo ay kala war-qaataan, 100 urur oo isku mashaariic ah wax fiican ma ahan,   hal mashruuc keliya in aynaan ku yaacin, urur kasta waa inuu la yimaadaa hindisooyin kale oo ay waxbarashadu ka mid tahay, barbaarinta caruurta ka mid tahay iyo wixii la mid ah, laakiin aan la si dhinac ordin”