Xamza oo 3 arrin oo muhiim ah kala hadlay Joe Biden

New York (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay kula kulmay Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Madaxweynaha kala hadlay sidii dowladda Mareykanka ay u sii xoojin lahayd taageerada dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Madaxweynaha Mareykanka kala hadlay sidii cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya looga qaadi lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Joe Biden u sharaxay si ciidamada qaranka Soomaaliyeed ay muhiim ugu tahay inay helaan hub casri ah oo ay kaga adkaa karaan argagixisada, sidoo kalena ay ugu difaacaan dalka, maadaama ay dhawaan la wareegayaan guud ahaan amniga dalka.

Waxaa kale oo ay ka wada hadleen sidii Mareykanka uu dowladda Soomaaliya gacan uga siin lahaa barnaamijka deyn cafinta ee gabagabada maraya, si loo xaqiijiyo Soomaaliya oo gaarta horumar iyo isku filnaansho dhaqaale.

Madaxda kale ee Ra’iisul Wasaare Xamza Barre uu xarunta Qaramada Midoobay ee New York kula kulmay waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Shiikh Cabdullaahi Bin Zayen Al Nahyan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waaiirka kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa New York u tegay ka qaybgalka kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee QM oo sanadkan si gaar ah loogu gorfeynayey Hiigsiga Yoolasha Horumarka Waara ee ay dejisay Qaramada Midoobay.