R/W Xamza oo soo dhisay xukuumad halis ugu jirta MOOSHIN baarlamaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa shalay ku dhawaaqay golihiisa wasiirada cusub, kadib muddo dheer oo wada-tashi uu ka galay xubnaha u soo xulayo xukuumadiisa.

Golahan ayaa ka kooban 25 wasiir, 25 wasiir ku-xigeen iyo 24 wasiiru-dowle iyo Ra’iisul wasaare ku-xigeen. Sidoo kale waxa haween ka ah saddex gabdhood, laakiin waxaa gabdho badan ku jiraan wasiiru-dowlayaasha.

“Xukuumad xil-kas ah ayaan idiin magacaabay, kadib la-tashi aan layeeshay madaxweynaha JFS, waxaan ku faraxsanahay in aan soo bandhigo gabdho iyo wiilal aan kusoo xushay karti, hufnaan iyo aqoontooda, iyagoo ka jawaabaya baahida marxaladda dalka,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

Golaha wasiirada uu dhisay Xamza ayaa si ka duwan dowladdii Farmaajo waxaa ku jira wasiiro badan oo aan xildhibaano aheyn.

Baaris ay sameysay Caasimada Online ayaan ku ogaanay in 14 wasiir oo ka mid ah 26-ka wasiir ay sidoo kale yihiin xildhibaano, taasi oo ka dhigan in ku dhowaad kala bar wasiirada aysan aheyn xildhibaano. 

Sidoo kale, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha ayaa waxaa ku jira xubno aan xildhibaano aheyn, sida aan ogaanay.

Arrintan ayaa abuuri karta in xukuumadda iyo ra’iisul wasaarahaba ay halis u galaan in mar kasta ay wajahaan mooshin kalsooni kala noqosho oo kaga yimaada dhanka golaha shacabka, maadaama aysan ku jirin xildhibaano ku filan oo kuraastooda wasiirnimo ka difaacan kara dhanka golaha shacabka.

Sababta golaha wasiirada ku badisay xubnaha aan xildhibaanada aheyn ayaa waxaa ugu wacan, ayada oo xubno badan oo aad ugu dhow madaxweyne Xasan Sheekh laga hor-istaagay inay xildhibaano soo qaataan, maadaama madax goboleedyada ay xilligii la tartamayey ku xirmnaayeen madaxweyne Farmaajo.

Sidaas darteed, inkasta oo madaxweyne Xasan jeclaan lahaa in wasiiro badan ay sidoo kale ahaadaan xildhibaano, haddana xubno badan oo halgan lasoo galay isuguma dari karin inay soo waayeen xildhibaannimo, sidoo kale waayaan wasiirnimo.

Ayada oo baarlamanka uu ka kooban yahay 275 xildhibaan, haddana inta badan waxaa kulamada xaadira waxaan ka badneyn 150, taasi oo ka dhigan in haddii 74-ka uu ka kooban yahay golaha wasiirada, ama wax ku dhow ay wada ahaan lahaayeen xildhibaano, iyo marka lagu daro xildhibaanada kale ee mabda’ ahaan u raacsan madaxweynaha, ay yaraan laheyd in xukuumadda halis mooshin wajahdo.

Ka sokow mooshin yimaada mustaqbalka, halista ugu deg degta badan ee hadda xukuumadda wajaheyso ayaa ah inay hesho codka kalsoonida, waxayna noqon doontaa tijaabo muujin doonta waxa soo socda mustaqbalka sida fudud ama adag ee xukuumadda lagu ansixiyo.