Ra’iisul wasaare KHEYRE oo xariga ka jaray GAROONKA diyaaradaha ee BARAAWE

Baraawe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta gaaray gudaha magaalada Baraawe oo ah caasimada rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Khayre iyo wafdigiisa waxaa magaaladaasi ku soo dhoweeyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa iyo mas’uuliyiin kale.

Intaasi kadib ra’iisul wasaaraha ayaa si rasmi ah xariga uga jaray garoonka diyaaradaha degmada Baraawe oo dhawaan dib udhis ballaaran lagu sameeyay, lana casriyeeyay qeybta ay diyaaraha ku soo degaan, kuna duulaan ee (Run Way).

Sidoo kale waxaa munaasabadda xarig jarka goobjoog ahaa, wasiiro ka tirsan xukuumadda federaalka, kuwa K/Galbeed iyo wafdi ka socda Ururka Midowga Yurub.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, iyadoona ay magaalada isku geedaameen ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Garoonka Baraawe oo muddo burbursanaa ayaa waxaa gacan weyn ka geystay dib dayactirka lagu sameeyey ururka Midowga Yurub oo si weyn u taageera Soomaaliya.