Ra’iisul wasaare XAMZA oo gaaray AADAN YABAAL

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa maanta booqday furimaha hore ee dagaalka, isaga oo gaaray degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xamza iyo wafdigiisa oo ay qayb ka yihiin mas’uuliyiinta wasaaradda Gaashaandhigga, taliska ciidanka Xoogga dalka iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada ayaa waxaa Aadan Yabaal ku soo dhaweeyey Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidanka xildhibaanno heer Qaran iyo heer deegaan ah iyo shacabka Reer Aadan Yabaal.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kormeeri doono degmadan oo ay in ka badan 15 sano heysteen xooagag Al-Shabaab, balse maalmo kahor laga saaray, isaga oo qiimeyn doono xaaladaha nololeed iyo howlgallada ay ciidamada huwanta ay ka wadaan duleedka degmadaasi.

Sidoo kale waxa uu kulamo la yeelan doonaa madaxda sare ee maamulka HirShabelle, saraakiisha ciidanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Waxaa kale oo uu ra’iisul wasaaruhu dhiiragelin u sameyn doonaa ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee halkaasi ku sugan, kuwaas oo deegaano badan ka qabsaday Shabaab.

Si kastaba waa mas’uulkii ugu sareeyay ee ka socdo dowladda federaalka Soomaaliya oo booqdo Aadan Yabaal, balse maalmo kahor ayed aheyd markii uu isna madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay Masaajid Cali & Nuur Dugle oo kamid ah meelaha laga xoreeyay Shabaab.