Ra’iisul Wasaare Xamza oo sheegay inuu la kowsaday go’doon siyaasadeed iyo…

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay caqabadihii kala duwana ee uu la kulmay markii uu xilka qabtay ayaa waxa uu sheegay inuu la kowsaday iyada oo dalka ku jiro go’doon siyaasadeed.

“Waxaa la ii magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha dalka oo ku jiray wax lagu tilmaami karo go’doon siyaasadeed oo aan xiriir wanaagsan la laheyn in badan oo kamid ah caalamka oo ay ku jiraan qaar kamid ah dowladaha deriska,” ayuu yiri.

Mudane Xamza ayaa sidoo kale waa uu sheegay in xilka uu yimid xilli ay dadka la qabsadeen dhaqan ah la-noolaanshaha Al-Shabaab, taasi oo cinwaankeedu yahay af-daboolan dahab, sida uu sheegay.

“Waxaa jirtay amni darro baahsan oo sababtay in cadowga Khawaarijta si buuxda u kontaroolaan noloshada bulshada, gaar ahaan Ganacsiga iyo Garsoorka oo waxaa daafaha caasimada ka furna maxkamado ku sheeg loo dacwoodo iyo xarumo dadka lagu boobo, xoolahoodana si baad ah looga qaato.”

Xukuumadda uu hoggaamiyo ayuu sheegay inay yeelaneysa dhaqan ka gedisan xukumadihii ka horeeyay, kaasi oo dhabaha u xaaraya isla xisaabtan ku dhisan in xilku yahay masuuliyad ee uusan ahayn meel la isku sharfo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in wasiiradiisu diirada saari doonaan deyn cafinta, qabyo-tirka dastuurka iyo dib-u-heshiiinta, suulinta kooxda Al-Shabaab iyo daryeelka dadweynaha.

“Waxaa ogolnahay haddaan nahay xukuumadda Dan-Qaran in nala xisaabtan madaxweynaha Jamhuuriyada, labada Aqal ee BF iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan, diyaarna u nahay in aan dhageysano taladooda iyo toosintooda oo ka jawaabno su’aalahooda.”

Hadalkan oo Xamza uu ka sheegay munaasabad ay xukuumadiisu kusoo bandhigeysay waxqabadkeeda ayaa loo arkaa mid uu ku durayo xukuumadihii ka horeeyay, gaar ahaan tii u dambeysay ee uu hoggaaminayay madaxweyne Farmaajo.