Ra’iisul wasaare Xamza oo xil sare maanta u magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo maanta wareegto soo saaray ayaa xil sare u magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan oo ah aqoonyahan dhalinyaro ah.

Xamza ayaa ninkan u magacaabauy inuu noqdo La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sida lagu sheegay wareegtada.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Mukhtaar Maxamed Xasan u magacaabay La-taliyaha Arrimaha Amniga ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XJFS” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Xamza.

Sidoo kale waxaa loo rajeeyay mas’uulkan cusub inuu eebbe u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, uuna guto waajibaadka qaran ee la saaran.

Xilkan waxaa horay u hayay S Kamaaludiin Daahir Guutaale oo isna maalmo kahor loo magacaabay Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxa xilkaas iska casilay axamed Abuukar Subeer oo ka tirsanaa saaxibada aad ugu dhowaa madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Xamza ayaa maalmihii u dambeeyay waday isbeddalo ku aadan xafiiskiisa, wuxuuna horay Cabdirisaaq Cali Ibraahim ugu magacaabay inuu noqdo Ku xigeenka Xoghayaha Joogtada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo Mahad Maxamed Cumar uu u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Waaxda Habmaamuuska ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Villa Soomaaliya ay ka socdaan qorsheyaal ballaaran oo ay ugu horeyso wax ka beddelka dasuurtka oo dood wayn ay ka taagan tahay.