Daawo: Shacab badan oo ‘ku dhintay duqeyntii ka dhacday’ duleedka MUQDISHO

Afgooye (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo xoogan oo xalay ka dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo dhaliyay khasaare xoogan.

Bartilmaameedka weerarkan ayaa ahaa kooxda Al-Shabaab oo soo gashay deegaanadaasi, balse waxa ay waxyeelo xoogleh kasoo gaartay shacabka deganaa halkaasi.

Qaar kamd ah ehellada dadkaasi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka oo kasoo baxay tuulada, kuna sugnaa beero ku yaalla halkaas ay haleeshay duqeynta, isla markaana ay soo gaartay dhimasho iyo dhaawac aad u badan.

Sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in dhimashada ay gaareeyso illaa 20 qof, dhaawacana uu intaasi kasii badan yahay. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa ku jira carruur iyo haween, waxaana qaarkood ay ahaayeen dad isku qoys ah.

Dhaawacyada dadkan ayaa sidoo kale lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Madiino, sida uu sheegay goobjoogaha.

Ugu dambeyn waxa ay farriin u diray dowladda federaalka oo uu ka codsadeen inay dabagal iyo baaris ku sameyso dhacdadaasi.

“Dowladda waxaan ka codsaneynaa inay arrintaas baarto” ayuu wareysi laga qaaday ku yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya, gaar ahaan NISA oo horay warsaxaafadeed uga soo saartay duqeyntan ayaa sheegtay inay ku dishay ku dhowaad 40 ka tirsanaa Al-Shabaab.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahad-celinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan ciidanka qalabka aida,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Si kastaba, ciidanka qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu dambeeyay Al-Shabaab ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Sh/Hoose, oo xubnaha kooxda dooneysay inay si dhuumaalaysi ah u soo galaan.