Wararkii u dambeeyay dagaal culus oo ka dhacay MUDUG

Xarardheere (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo maanta ka dhacay qaybo kamid ah gobolka Mudug, gaar ahaan koonfurta gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay weerar culus ku qaadeen fariisimo cusub oo Al-Shabaab ay ka sameysteen duleedka deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug, waxaana kadib halkaasi ka dhacay iska hor imaad toos ah.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalkan ay guullo ka gaareen, isla markaana ay jab culus ku gaarsiiyeen maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa dagaalka barbar socday duqeyn culus oo lagu garaacay goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Al-Shabaab, taas oo sii kordhisay khasaaraha.

Ciidamada huwanta ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku sugan yihiin qaybo kamid ah meelaha lagu dagaalamay, waxaana weli soconayo howlgallo culus.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas ee ay guusha ka sheegatay dowladda.

Mudug ayaa waxaa in muddo ah ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar ka dhaca dagaallo culus oo u dhexeeya labada dhinac.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda Al-Shabaab dub u qabsatay deegaano dhaca Mudug oo ay kasoo baxeen ciidamada huwanta.