Ra’isulwasaare Kheyre oo si deg deg ah loogu amray inuu hor imaado Baarlamaanka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu hor yimaado Golaha Shacabka si wax looga weydiiyo Kiiska badda Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel oo ka mid ah xildhibaanaddaasi ayaa sheegay in xildhibaanada Golaha Shacabka ay Shaki badan ka qabaan sidda ay wax ku waddo Xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaan codsanayaa in uu Baarlamaanka horyimaado Ra’iisul wasaare Xassan Cali Khayre” ayuu yiri Xildhibaan Ciyaar Jecel.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka Cabdiweli Sheikh Ibraahim Muudey ayaa golaha ka hor sheegay in ay la socdaan xaaladda muranka Badda Soomaaliya ee ay Kenya waddo, isagoo intaa ku daray inay eegayaan bal cidda wax ka bedesha.

Dhowr jeer oo hore Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha inuu hor-yimaado, waxaa ka meer meeray Guddoonka oo aan codsigooda u fulin, una yeerin Ra’iisul Wasaaraha, taasoo shaki badan keeneysa sida Baarlamaanka aanu xilligan ula xisaabtamin Xukuumadda.

Hase ahaatee Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii Xukuumaddiisa la ansixiyay labo sano ka hor waxaa uu balan-qaaday la shaqeyn doono, mar walba oo ay timaado la xisaabtanka Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tan iyo markii la ansixiyay Xukuumaddiisa aanu hortagin Baarlamaanka, waxaa taa bedelkeed uu gaashaan adag ka dhigtay Xildhibaano badan oo Xukuumaddiisa ka tirsan, oo marka uu culeys uga yimaado Baarlamaanka u taagan inay difaacaan.

Dowladda Kenya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday dadaallo ay ku doonayso in ay kaga baxdo Kiiska badda Soomaaliya ee yaalla Maxkamada Caalamiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com