Rasaas lagu huwiyay qaar ka mid ah ergada shirka Jowhar

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan DFS ay rasaas ooda uga qaaden qaar kamid ah Ergadii ku jiray shirka Jowhar.

Wararku waxa ay sheegayaan in rasaastaasi ay ka dhalatay waxyeelo soo gaartay qaar kamid ah Ergada, walow aan ilaa iyo iminka aan la hubin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

War laga baahiyay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in Ergada la rasaaseeyay ay kasoo baxeen howlka shirka, sidaana ay isku qabteen ciidamadii ku qornaa xaqiijinta amniga xarunta.

SMN waxa ay sheegtay in rasaasta ka hor ay ciidamadu ku fashilmeen in Ergadaasi ay ID-kaarada lagu galo Hoolka ka qaadan Ergada, iyadoo goortii ay diiden ku huwiyay rasaas xoogan.

Ergada ayaa la sheegay inay kasoo gadooday shirka hayeeshee goortii ay banaanka lasoo aaden caro ay rasaas kala kulmeen ciidamada.

Maamulka Jowhar iyo Saraakiisha ay ka amarqaatan ciidamada ma aysan ka hadal rasaastaasi, inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in maamulka uu durbadiiba u guda galay xalinta Ergada la rasaaseeyay si aanu falkaasi u gaarin dhagaha dadka shacabka ah.

Dhinaca kale, waxaa weli Magaalada Jowhar ka soconaaya Shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe oo intiisa badan leyskala soo gudbay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com