Xog: Xasan Sheekh oo qorshaha Shariif Xasan ka walaacsan.!!

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia ee uu xilka ka dhamaaday Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa aad uga walaacsan guul darooyin kasoo food-saartay dhanka Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Madaxweyne Xassan ayaa maalmihii ugu danbeeyay kusoo baraarugay in Madxaweynaha Koonfur Galbeed uu ku taamaayo inuu kamid noqdo Musharaxiinta la loolameysa.

Xassan Sheekh oo ay ka muuqatay Carro Siyaasadeed ayaa la sheegay in Shariif Xassan uu weydiiyay Su’aal aad u adag taasi oo isbedel galisay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Xassan Sheekh ayaa Shariifka weydiiyay Su’aal muujinkarta shaki taagan taasi oo aheyd in Shariif Xassan uu kala cadeeyo inuu taagersan yahay ololihiisa ama uu taageersan yahay Musharaxa da’da yar Jabril Ibrahim Abdulle.

Shariif Xassan ayaa la sheegay inuu aad kaga carooday Su’aashaasi balse markii danbe uu Madaxweyne Xassan Siyaasadeeyay su’aashiisa isla markaana ka dhigay su’aal kaftan ah.

Shariif Xassan ayaa sidoo kale Xassan Sheekh u sheegay inaanu jirin cid ka maanicikarta inuu taageero u fidiyo Jabril Ibrahim Abdulle, hayeeshee aanu jirin xiriir ku saleysan arrimaha doorashooyinka 2016-ka oo kala dhexeeya Jabril Ibrahim Abdulle.

Su’aasha Xassan Sheekh ee uu weydiiyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa imaaneysa xili inta badan dadka ay hadal hayaan Ololaha Xassan Sheekh ee khuuska taagan.

Dhinaca kale, Su’aasha Xassan Sheekh waxa ay kusoo aadeysaa iyadoo Musharax Jibrahim Abdulle uu magaalada Baydhabo ku gaaray booqasho ku xeeran ololihiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com