Xog: Qaar kamid ah ilaalada Xasan oo iska dhiibay guriga Shariif

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegaya in qaar kamid ah sakuuratka dhar-cadka ee la soctay Xassan Sheekh ay u wareegsadeen dhanka Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif.

Wararku waxa ay sheegayaan in ku dhawaad laba kamid aheyd dhar-cadkii la socon jiray Xassan ay iminka u wareegen guriga Sheekh Shariif, iyadoo aan la garaneynin sababta ka danbeysay inay kasoo tagaan Xassan Sheekh isla markaana ay usoo wareegan dhanka Sheekh Shariif.

Sidoo kale waxaa jira ciidamo aad u farabadan oo ka tagay Villa Somalia, kuwaasi oo ku biiray ilaalada Sheekh Shariif oo ah musharax u taagan xilka madaxtinimo ee Somalia.

Dadka qaar ayaa isla dhexmaraaya in Dharcadka iyo Ciidamada ka tagay Xassan Sheekh ay ahaayen kuwii horay uu u diiwaan galiyay Sheekh Shariif, waxaana ku jira darsin isaga ku heeb ah.

Sababta ugu badan ee la hadal hayo ayaa ah in Xassan Sheekh uu wakhtiga ka dhamaaday isla markaana ay ciidamadu sidaa ugu biiren kuwa Sheekh Shariif.

Ciidamada qaar ayaa iyaguna la sheegay in dhanka Sheekh Shariif ay ugu biiren Mushaar la’aan ka heysata dhanka dowlada darteed, waxa ayna maciin bideen inay la shaqeeyan Musharaxa.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaan muddo ku dhow laba bilood aan mushaar siin ciidamada dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com