“Reer Muqdisho ayagaa is-dhigay halka ay maanta joogaan,” waxaa sidaas yiri…

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay rabshadihii Jimcihii ka dhacay caasimadda Muqdisho, isagoo aad u eedeeyey madaxweyne Farmaajo.

Guddoomiye Feysal ayaa ugu horey ka tacsiyadeeyey wixii gaaray gaaray shacabkii banaanbaxa dhigayey Jimcihii, kuwaas oo ciidamada dowladdu ay awood u adeegsadeen kala ceyrintooda.

Ugu horeyn Feysay ayaa yiri, “Dadkii reer Muqdisho ee lagu xasuuqay banaanbaxa ay dhigayeen waxaa leeyahay intii dhimatay Allaha u naxariisto, inta dhaawaca ahna Allaha bogsiiyo.”

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in reer Muqdisho ay iyagu is dhigeen meesha ay joogaan maanta, isla markaana ay ‘cadaw gacanta u geliyeen taladooda’ sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay idinkaa waxaan isugu wacan oo taladiinii cadaw gacanta u geliyey, marka reer Muqdisho waxaan leeyahay war tashada, meel kale oo maanta Farmaajo xukumo ma jirto ee iska xoreeya ayaan idin leeyahay,” ayuu yiri Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe.

Sidoo kale guddoomiye Feysal ayaa shacabka reer Somaliland u sheegay in hadii ay khilaaf iska dhaafi waayaan ay ku dhacayaan waxa maanta heysta reer Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa keenay Farmaajo waa khilaafka reer Banaadir, anaguna hadaan khilaafka iska deyn weyno oo is jeclaan weyno, taas oo kale ayaa nagu dhaceysa, wixii na soo maray waa inaan xasuusanaa, Ilaahey mar dambe cadaw gacanta nooma geliyo, wixii lasoo maray waa inaan xasuusanaa walaalayaal,” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Hoos ka Daawo