“Reer Puntland waa ogyihiin in Gaas aabe & hooyo u yahay musuq iyo dhunsashada malaayiin dollar” Waxaa yiri..

Boosaaso (Caasimada Online)- Sida aan wada maqalney ama ka daalacaney baraha bulshada, maalintii Arbacada ee 02 May 2018, waxaa Madaxweyne Gaas xilkii ka qaadey Wasiir-Ku-Xigeenkii Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda Puntland, Agaasimihii Guud iyo 5 ka mid ah madax-waaxeedyadii Wasaaradda, iyadooo guddi gaar ah oo loo saarey ku soo eedeeyey musuqmaasuq & maamul-xumo.

Waa muhiim in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado cid kasta ama mas’uul kasta oo lagu soo eedeeyo musuqmaasuq iyo maamul-xumo, waana markii ugu horeysay oo Puntland qof shaqada looga eryo musuqmaasuq.

Haddii fal-danbiyeedkaas lagu soo eedeeyey mas’uuliyiintaas uu dhab yahay waa tallaabo mudan bogaadin iyo dhiirigelin, waxaase meesha ka maqan labo arrimood oo muhiim ah:

1. Mas’uuliyiinta fal-denbigaas lagu soo eedeeyey oo ku waayey shaqadoodii iyo sumcadoodii waxay xaq u leeyihiin in si sharci ah oo maxkamad horteed ah loogu caddeeyo in ay galeen denbigaas foosha xun, ee kuma filna guddi loo saarey baa ku helay falkaas. Sidoo kale iyagoon xaqoodii is-difaaca helin baa la ceyriyey waa arrin qaab sharci ah aan loo marin.

Haddii shaqada laga saari lahaa iyadoon la eedeyn waxay noqon laheyd tallaabo Madaxweynaha u furan oo aan ka daba-tag laheyn waase la eedeeyey, loomana ogolaan in ay is-difaacaan “Timir laf baa ku jirta”.

2. Haddii musuqmaasuq lala dirirayo reer Puntland waa ogyihiin in Madaxweyne Gaas aabbe & hooyo u yahay dhunsashada malaayiin doolar oo maatada, ciidamada, macalimiinta iyo shacabka reer Puntland lahaayeen, oo si cad isaga ugu maqan, waxaa kaloo ku maqan malaayiin doolar oo magaca reer Puntland lagu soo qaadey ama dowladda dhexe soo marey (budget support), ama dowladaha deriska ah iyo hay’adaha dalka laga soo qaatey oo uu Madaxweyne Gaas dhunsadey, cadeymo dhameystirana loo hayo. Waxaa ka sii daran lacagtii uu daabacdey maalin cad oo uu suuqa ku sii daayey, taasoo dhaawac weyn u geysatey ganacsigii Puntland ee cashuurta xad-dhaafka ah la il-darnaa iyo noloshii qoysaska masaakiinta ah ee intooda badan ku nool boqol doolar oo dibadda looga soo xawilo.

Miyaaney la gudbooneyn Madaxweyne Gaas in uu marka hore ka xalaal noqdo musuqmaasuqa intaas le’eg ee uu maamuley 4 sano & barkii uu xilka hayey, illaahey ha uga toobad-keeno, ummadda Puntland hantideeda ha u soo celiyo, dabadeedna ha xukumo golayaashiisa ciddii musuqmaasuq cad ku kacda mise sharcigu wuxuu qabtaa kaliya qofka aan is-difaaci karin mise anaa waalane Cadan baa laga heesaya.

W/Q: Cali Xaaji Warsame