Roobab bannaanka soo dhigay heerka fadeexadda garoonka Baraawe + Sawiro

Baraawe (Caasimada Online) – Fadeexad ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeed ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii soo ifbaxday, ka dib markii roobab ka da’ay ay burbur u gaysteen Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Baraawe.

Garoonkan ayaa waxaa la sheegay in ay dhismihiisa ku baxday adduun lacageed oo dhan afar dhibic saddex milyan oo lacagta Mareykanka ah ($4.3m), hase yeeshee marka laga reebo sar yar oo garoonka ka taagan, xitaa ma lahan dhabbo ay diyaaradaha ku ordaan, waxaana looga tegay bacaad.

Hase yeeshee, waxay noqotay arrin dad badani ka yaabisay burburka xoogan ay roobab da’ay Jimcihii ay u gaysteen Garoonka Baraawe, taa oo muujinaysa inaanan si sax ahi loogu hawlgelin dhismihiisa.

Garoonka oo si macmal uun loo dhisay ayaan hadda ka dib awoodi doonin in ay duulimaadyadu ka deggaan, bacdamaa ay burburtay dhabaha ay diyaaradaha ku cararaan ee bacaadka ahayd.

Midowga Yurub oo maalgeliyay dhismaha garoonkan ayaa u wakiishay Hay’adda Somali Stability Fund (SSF). SSF ayaana qandaraaska dhismahaasi ku wareejisay shirkad kale, waxaana gacmaha badan ee la marsiiyey mashruuca lagu lunsaday malaayiin dollar.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda ayaa 10-kii bishan xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha ee markii ugu horeysay laga hirgeliyay Degmada Baraawe.

Baraawe waa xarunta rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbed, inkastoo uu maamulkaasi xilligan ku shaqeeyo Magaalada Baydhabo.

Dowladda Federaalka iyo Maamulka Koonfur Galbeedba ayaa lacagtii loogu talagalay dhismahaasi uga faa’ideen in ay dadka deegaanku yeeshaan garoon muddo fog shaqayn kara.