Mahad Salaad oo sheegay ‘cidda bixisay amarka’ DF ay ku xirtay iskuulka Masaarida

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ka hadlay go’aanka ay Dowladda Soomaaliya kula wareegeyso iskuul ku yaalla Muqdisho oo ay maamusho hay’ad Masaari ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya in dowladda ay kala wareegeyso maamulka iskuulka 15 May, ayada oo la isku raacay in kala wareegista ay dhacdo 20-ka April 2020.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay Dugsigan 15 May ka dhigi doonta Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka.

Xildhibaan Mahad Salaad oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay in “amar ka yimid Itoobiya lagu xiray Iskuulkii 15 May ee dowlada Masar maamuleysay” kaasi oo sida uu sheegay ardayda dhigata lacag la’aan wax lagu bari jiray!

“Horay hadii Qalbi Dhagax loogu dhiibay. Dekadihii dalka lagu wareejiyay. Qaraarkii Jaamacada Carabta ee dowlada Soomaaliya horay u taageertay amarkooda looga laabtay. Diyaradoodii dalka meeshii ay rabto maalin walba ka degayso kuwii kaloo xayiran. Maantana Iskuuladii amarkooda lagu xirayo, tolow maxaa haray?” ayuu yiri Mahad Salaad.

Caasimada Online si madax banaan uma xaqiijin karto arrinta uu sheegay xildhibaan Mahad Salaad.

Si kastaba, go’aankan ayaa imanaya ayada oo xiriirka Soomaaliya iyo Masar uu toddobaadyadii dhowaa u muquday mid aan wanaagsaneyn, kadib markii Soomaaliya ay ka laabatay qaraar kasoo baxay Jaamacadda Carabta oo lagu taageeray qadiyadda Masar ee muranka kala dhaxeeya Itoobiya ee salka ku haya biyo-xireenka ay Addis Ababa ka sameyneyso webiga Nile.

Soomaaliya ayaa sheegtay inay arrintan dhex-dhexaad ka tahay, balse dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa ku macneeyey la safashada Itoobiya, maadaama Masar ay xulufo iyo walaal soo jireen ah u ahayd Soomaaliya, halka Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee Soomaaliya.