Rooble oo amray in DF ay fasaxdo $11.7 milyan oo loogu talo-galay SOMALILAND

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in si deg deg ah loo fasaxo lacag dhan $ 11,700,000 (Kow iyo Toban Milyan iyo Toddobo Boqol oo Kun oo Doollar) oo ku jirta xisaabta dowladda Soomaaliya, laguna wareejiyo Somaliland

Lacagtaas ayaa ah deeq caalami ah oo loogu talogalay mashaariicda horumarinta Somaliland, oo ay haysay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sida uu sheegay xafiiska Rooble. 

Waxaa lacagtaas lagu xoojin doonaa howlaha gurmadka ee looga jawaabayo masiibadii ka dhalatay dabkii baabi’iyay suuqa weyn ee magaalada Hargeysa.

Xafiiska Rooble ma bixin faah-faahin ku saabsan sida lacagtaas ku timid iyo sababta markii hore loo hayey, hase yeeshee waa lacag wax weyn ka tari doonta gurmadka deg degga ah ee ay u baahan yihiin reer Somaliland.

Dhinaca kale, Shir deg deg ah oo uu soo qaban qaabiyay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble kana soo qeyb galeen golaha xukuumadda, guddoomiyaha bankiga dhexe, ganacsatada Muqdisho ayaa looga dhawaaqay inay gacan ka geysanayaan taageerada ganacsatadii khasaaraha kasoo gaaray dabkii suuqa Hargeysa.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulankaasi ugu dhawaaqay in shacabka Soomaaliyeed ay aad ugu xun yihiin musiibadiisa, isagoo tilmaamay in ay qeyb ka tahay masiibooyinka rabi ee u baahan in lagu sabro, wuxuuna ku dhawaaqay in xukuumad ahaan ay hal milyan dollar ugu deeqeen dadkii ku xoola beelay dabkaasi.

Sidoo kale, kulanka oo ay kasoo qeybgaleen ganacsatada Soomaaliyeed ee Muqdisho oo u hadlayay Maxamuud Cabdikariin Gabeyre ayaa sheegay in walaalahood reer Somaliland ay ugu deeqeen labo milyan dollar oo ay ugu tabaruceen ganacsatadii masiibadaasi soo gaartay, isagoo sheegay in hal mar wada bixin doonaan tabarucaadaasi oo wadarteeda noqoneyso seddax milyan dollar.

Xukuumadda Somalia iyo ganacsatada gobolka Banaadir ayaa noqonaya noqonaya kuwii garabkii ugu horeeyay ee ku dhawaaqa taageero dhaqaale oo dhan 3 milyan dollar inay sida ugu dhaqsaha badan u geyn doonaan magaalada Hargeysa.