Tirada xildhibaanada qaatay shahaadada oo aad u kordhay iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad u kordhay tirada xildhibaanada labada Aqal ee baarlamanka ee qaatay shahaadada, taasi oo ka dhigan in jadwalka lagu dhaarinayo 14-ka April uu u muuqdo mid hirgeli doona, soona dhoweyneysa dhammaadka doorashada daba-dheeraatay. 

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa shaaca ka qaaday in maanta ay shahaadada xildhibaannimo qaateen 58 xildhibaan, oo ka kala socda dhammaan maamullada dalka ee doorashooyinku ay ku dhaceen. 

Waxaa sidoo kale shalay shahaadada qaatay 54 xildhibaan, taasi oo ka dhigan in labadii maalmood ee ugu horreysay shahaado la siiyey 112 xildhibaan oo ka mid ah 329-ka xildhibaan ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare. 

Shahaado qaadashada maanta ayaa waxaa sidoo kale sii xoojisay ayada oo xildhibaano laga soo doortay Koonfur Galbeed ay jebiyeen isbaaradii uu Cabdicasiis Lafta-gareen doonayey inuu u dhigto shahaado siinta xildhibaanada, isaga oo ka careysan saddex kursi oo doorashadooda dib loogu celiyey.

Xildhibaannada ka mid ah kuwa Koonfur Galbeed ku metalaya Baarlamaanka Federaalka ee qaatay Shahaadooyinka waxaa ka mid ah Guddoomiyihii hore ee baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe, iyo Shariif Maxamed Cabdalla iyo Cabdulllaahi Aadan Axmed.

Xubnahan ayaa aheyn kaliya xildhibaano, balse siyaasiyiin miisaan culus, ayada oo Aadan Madoobe iyo Shariif Maxamed ay u taagan yihiin xilka guddoomiyaha golaha shacabka. 

Sidoo kale, waxaa shalay iyagana iska diiday amarkii maamulka HirShabeelle xildhibaano badan oo deegaankaas laga soo doortay kuwaas oo qaatay shahaadada, waxaana xigay kuwa kale oo isla deegaankaas ka yimid oo maanta iyagana shahaadada la siiyey.

Haddaba waxaan halkan idinkula wadaageynaa dhammaan magacyada xubnaha illaa hadda qaatay shahaadada xildhibaannimo. 

Xildhibaanada shahaadada qaatay maanta

1. Sheikh Adan Madoobe GSH#189
2. Shariif Abdalla GSH#085
3. Abdillahi Abdi Mohamed GSH#264
4. Hussein Mohamed Nur GSH#051
5. Ahmed Abdi Hashi (Ahmed Taajir) GSH#166
6. Mohamed Abdullahi Keyse GSH#073
7. Sadiya Yasin Haji Samatar GSH#129
8. Hassan Abdi Ismail GSH#217
9. Omar Ibrahim Hashi GSH#114
10. Roda Arab Abdi GSH#219
11. Khadra Mohamed Tukale GSH#274
12. Sahra Olad Abdi GSH#018
13. Zamzam Dahir Mohamud AS#12
14. Leila Ahmed Ismail AS#37
15. Ahmed Mohamed Ali AS#21
16. Noradin Abdullahi Olujog GSH#246
17. Zamzam Abdullahi Ahmed AS#24
18. Abdirahman Mohamed Hussein GSH#069
19. Fartun Abdikadir Farah Karama AS#19
20. Yusuf Hussein Ahmed Gama’diid GSH#031
21. Ali Shaban Ibrahim AS#23
22. Prof/Dr. Osman Mohamud Mohamed (Dufle) AS#20
23. Salah Ahmed Jama AS#34
24. Guled Bihi Abdi GSH#255
25. Ahmed Osman Dirie GSH#233
26. Abdinur Ali Aden GSH#028
27. Mohamed Sheikh Noor Osman GSH#107
28. Abas Ali Ibrahim GSH#111
29. Mohamed Abukar Ali GSH#025
30. Adar Hared Jibril GSH#132
31. Mohamed Abdurahman Nadif GSH#124
32. Bihi Iman Egeh GSH#237
33. Abdiqani Ismail Said GSH#241
34. Mohamoud Abdirahman Omar GSH#272
35. Adnan Osman Elmi GSH#236
36. Omar Yusuf Qaladid GSH#136
37. Ahmed Mohamud Jama GSH#029
38. Nasro Mahdi Arale GSH#023
39. Leylo Nur Maah AS#07
40. Sahra Jama Ali GSH#134
41. Dr. Ahmed Adam Ahmed GSH#127
42. Hassan Dahir Yarow AS#05
43. Zaynab Mohamed Amir GSH#267
44. Asad Abdirisaq Mohamed GSH#120
45. Yusuf Mohamed Ismail GSH#118
46. Ilyas Badal Gabose AS#01
47. Mohamed Hassan Adam GSH#133
48. Hamza Abdi Barre GSH#203
49. Abdi Hashi Abdullahi AS#33
50. His Hassan Adan GSH#015
51. Farhiyo Mohamud Dhakane GSH#052
52. Maryan Mohamud Isse GSH#226
53. Mohamud Abdirahman Sheikh Farah GSH#003
54. Osman Mohamed Abdi GSH#022
55. Fadumo Hassan Ali GSH#210
56. Abdi Ibrahim Warsame GSH#196
57. Abdulkadir Mohamed Wa’ays GSH#112
58. Mowlid Abdi Mohamed GSH#130


Xildhibaanada shahaadada qaatay shalay 

1. Abdisalam Haji Ahmed Liban GSH#038
2. Yusuf Gelle Ugas GSH#026
3. Mohamed Ali Omar (Caanonuug) GSH#108
4. Mustaf Sheikh Ali Dhuhulow GSH#049
5. Mohamed Harun Abdullahi GSH#208
6. Mohamed Abdi Hayir Mareye GSH#225
7. Abdirahman Mohamed Sheikh GSH#010
8. Abdinasir Haji Shirwa Mohamed GSH#004
9. Abdirisaq Abdullhi MoalimGSH#063
10. Abdirizak Omar Mohamed GSH#011
11. Mohamed Omar Aimoy GSH#005
12. Mohamed Nur Abukar GSH#265
13. Abdi Ahmed Dhuhulow-Dhegdheer AS#011
14. Jawaahir Mohamed Ahmed GSH#001
15. Qaali Ahmed Diiriye GSH#096
16. Nuuriya Adan Ciise GSH#212
17. Muse Said Jama GSH#263
18. Ahmed Abdi Kooshin GSH#205
19. Hirsi Adan Roble GSH#101
20. Abdi Hassan Awale Qaybdiid AS#015
21. Mohamed Ibrahim Ali -Cajiib GSH#064
22. Nadra Salah Abdi GSH#257
23. Duniya Mohamed Ali AS#014
24. Qaladla Cali Cawaale GSH#017
25. Mohamed Ibrahim Cabdi GSH#206
26. Omar Shariif Mohamed GSH#266
27. Omar Ali Abdi GSH#035
28. Mohamud Abdulkadir Haji GSH#084
29. Mohamed Ali Xagaa GSH#268
30. Mahad Mohamed Salad GSH#147
31. Abdisabir Nur Shurie GSH#071
32. Dahabo Susow Mohamud GSH#088
33. Adar Ali Mohamed GSH#081
34. Bilal Idris Abdullahi AS#038
35. Suleyman Ali Hussein GSH#260
36. Ali Mohamud Adam GSH#240
37. Hussein Qasim Yusuf GSH#043
38. Zamzam Mohamed Omar GSH#253
39. Muse Ahmed Ismail GSH#076
40. Abdirahman Mohamed Mohamud GSH#095
41. Ali Mohamed Omar GSH#115
42. Daahir Amiin Jeesoow GSH#030
43. Abdikariim Abdow Heydar GSH#252
44. Khalif Abdi Omar GSH#032
45. Mariam Aweis Jama GSH#113
46. Jama Mohamed Askar GSH#254
47. Dr. Mohamed Elmi Ibrahim GSH#218
48. Shamso Elmi Hassan GSH#020
49. Marwa Abdibashir Hagi Ali GSH#234
50. Dr. Elmi Mohamud Nur GSH#214
51. Faaiza Mohamed Jeyte GSH#048
52. Muhamed Hussein Abukar GSH#055
53. Aidarus Salah Yusuf GSH#224
54. Saed Abdi Hussein AS#039