Dastuurka iyo aqlabiyadda baarlamanka – Sidan ma lagu dooran karaa madaxweyne?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socota diiwaan-gelinta iyo shahaado siinta xildhibaanada dooran oo guddiga doorashooyinku uu ogolaaday, waxaana is diiwaan gelisay ku dhawaad 100 xildhibaan oo ay ku jiraan ugu yaraan labo xubnood oo Aqalka Sare ah.

Hadaba waxaan dib u eegeynaa tirada xildhibaanada loo baahanyahay in ay doortaan guddoonka baarlamaanka iyo Madaxweynaha dalka, anagoo xiganeyna dastuurka KMG ah ee dalka.

Sida ku cad qodobka 65-aad dastuurka dalka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo ku xigeenadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku dooran karta aqlabiyadda ama kooramka tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka oo ah 139 Xildhibaan.

Sidoo kale qodobka 73-aad ee dastuurka dalka wuxuu dhigayaa in gudoomiyaha Aqalka Sare iyo ku xigeenadiisa ay codayn qarsoodi ah ku dooran karaan aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha Aqalka Sare oo ah 28 Senator.

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare mid waliba fadhigiisa koowaad waxaa shir guddoominaya qofka ugu da’da weyn, iyadoo kadibna deg deg loo guda gelayo doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa, sida uu qabo dastuurku.

Qodobka 89-aad ee dastuurka ayaa isna dhigaya in doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya la qaban karo hadii ay joogaan ugu yaraan 3 meelood 2 tirada guud ee labada Aqal ee baarlamaanka.

Tusaale waa in hoolka ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha ay joogaan ugu yaraan 184 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 36 Senator oo Aqalka Sare ah.

Sidaas darteed, ayada oo xildhibaanada harsan ee aan weli la dooran ay yihiin kaliya 20, waxaa doorashada madaxweynaha iyo guddoonka labada Aqal u baahan tahay kaliya inay shahaadada qaataan inta badan xildhibaanada doorashada  ama 184 xildhibaan, taasi oo ah tiro si fudud loogu guuleysan karo.