R/W Rooble oo kasoo dagay garoonka Muqdisho, una sii gudbay AFISYOONE

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey wasiiro ka tirsan golihiisa iyo saraakiil ciidan.

Rooble ayaa ka yimid dhanka magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaas oo uu uga soo qeyb galay shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ba’an ee ka jira Geeska Afrika, isaga oo kulamo looga hadlayo xaaladda bani’aadanimo ee Soomaaliya la yeeshay madaxda lagu casuumay shirkaasi.

Ra’iisul wasaaraha ayaa isla markiiba usii gudbay xerada Afisyooni oo ay maanta ka dhaceyso doorashada guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya iyo labadiisa ku xigeen.

Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Xuseen Rooble uu durbadii bilaabay kulamo uu la yeelanayo saraakiisha howlgalka ATMIS iyo xubnaha Beesha Caalamka, kuwaas oo looga hadlayo dhameystirka doorashooyinka dalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in goobta ay ka dhaceyso doorashada laga celiyey Wariyeyaal iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Baarlamaanka, maadaama dhaq dhaqaaq xoogan laga dareemayo halkaasi.

Xiisad xoogan ayaa ka taagan doorashada guddoonka Golaha Shacabka, waxayna ka dhalatay xildhibaannada lagu soo kala doortay Ceelwaaq iyo Garbahaarey, mida kale waa arrinta amniga oo uu is qab qabsi ka dhashay, maadaama ra’iisul wasaaraha amray inay la wareegaan ciidamada ATMIS, halka ay ka horyimaadeen Farmaajo iyo taliyaha Ciidanka Booliska, taas oo xiisadda uga sii dartay.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse shalay ayey aheyd markii xarunta Afisyooni lagu qabtay doorashada guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare iyo labadiisa ku xigeen.