Rooble oo qodob muhiim ah ka ogolaaday mucaaradka iyo wararkii u dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo hor dhac ayaa laga helayaa shirka gaarka ah Hotelka Decale oo ku dhex yaalla garoonka Aadan Cadde uga socda Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle iyo inta badan xubnaha musharraxiinta mucaaradka ee Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah oo aad ugu dhow shirka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in xukuumadda Rooble ay miiska soo saartay dalab ah in musharaxiintu dib u dhigaan banaanbaxa ay iclaamiyeen Jimcaha berri ah ee 26-ka February.

Sida aan xogta ku helnay Ra’iisul wasaaraha ayaa dalabkiisa u sababeeyey in loo baahanyahay fursad la siiyo hey’adaha ammaanka, si loogu diyaar garoobo sugida amniga oo banaanbaxaas loogu qaban lahaa si nabdoon.

Sidoo kale xogta aan ka helnay shirka socda waxay intaas ku dareysaa in xukuumadda Rooble ay cadeysay inay guddi baaritaan u saareyso wixii dhacay 19-kii Febraayo, kana xuntahay dhibaatadii dhacday oo ay ka tacsiyadeyso dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay.

Shirkaan oo ah mid xasaasi ah ayaa galabta ka furmay gudaha garoonka Aadan Cadde, welina waa uu socdaa, waxaana dadka aan ka soo muuqan ka mid ah ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo xubno ka ah midowga musharaxiinta la shiraya Rooble, lamana oga sababta ay uga baaqdeen.

Markii la soo gaba-gabeeyo shirkan oo ah mid aad indhaha loogu wada hayo ayaa laga soo saari doonaa go’aano kala cadeynaya in berri uu dhici doono banaanbixii ay iclaamiyeen musharaxiintu oo dowladdu diiday iyo in kale.