Ra’iisul Wasaare Rooble oo sameeyey ballan-qaad la xiriira walaaca musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo hadal ka jeediyey magaalada Baydhabo ayaa ka hadlay walaaca weli ka taagan guddiyada doorashooyinka dalka ee uu horey ugu dhowaaqay.

Rooble ayaa sheegay inuu si dhow ula socdo tabashada ay guddiyadaas ka muujiyeen musharraxiinta mucaaradka ee shirarka ku leh magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu diyaar u yahay inuu la fariisto musharraxiinta, si uu uga dhaac-dhiciyo waxa ay yihiin guddiayda la magacaabay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in hoggaamiyeyaasha mucaaradka uu la yeelan doono wada-tashiyo gaar ah, si xal mideysan loo wada-gaaro.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey inay muhiim tahay in la fuliyo heshiisyadii laga gaaray doorashooyinka oo uu sheegay in lagu soo dhisay guddiyada lagu muransan yahay.

Dowladda federaalka iyo mucaaradka ayaaa weli isku hayo, sida loo wajahayo doorashada soo socota, gaar ahaan dhismaha guddiyada maamulaya doorashada.

Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho la qabanayo dhammaadka sanadkan iyo ka xiga ee 2021-ka, taas oo isugu jirta tan baarlamaanka & madaxweynaha.