Rooble oo xog culus ka bixiyay ninkii fuliyey dilka xildhibaan Aamina iyo habkii loo dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii u horeysay banaanka u soo saaray xog uu sheegay in uu ka ogyahay qofkii isku qarxiyay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.

Rooble oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in qofka la dilay laga soo qaaday gobol kale oo la keenay Beledweyne, islamarkaana ay cid gaar ah ka dambeysay dilkii Xildhibaanada.

“Aamina dadka dilay waxaa la dhahaa gobolo kale ayaa laga soo qaaday, Saddex Xildhibaan ayaa meesha martay oo Xildhibaan Aamina oo ka dambiyo badan marka loo fiiriyo dhanka Shabaabka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Ninka waxa la iisheegay in uu dhahayay qofka meesha soo maraba ma Aamina. Inta aan taariikhdeeda ka hayno Aamina mar ay kooxahaas argagixisada iyo Shabaab wax ka sheegtay lama hayo.”

“Dadkii argagixisada baabinayay ee la dagaalamayay waa kuwa meesha soo maray ee Xildhibaanada raadinayay oo dariiqaas lug kusoo maray, ayaga bartilmaameed uma aheyn ee Aamina ayay aheyd bartilmaameedkiisa.”

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in dilka Xildhibaan Aamina ay ka dambeeyen kooxaha argagixisada iyo Al-Shabaab, sidaas darteedna ay la xiriirto dilkii Ikraan oo ay si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helideeda.

“Gabadhaan kuwii Ikraan dilay ayaa ka dambeeya maalina wuu kasoo saaraya Ilaahay, oo taasa aaminsanahay wey kasoo baxeysa.”

Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa waxaa habeenimadii 23 March ee sanadkaan lagu dilay magaalada Beledweyne.

Qof naftiisa haligay ayaa isku qarxiyey Xildhibaan Aamino oo isla goobta ku geeriyootay.

Xildhibaan Aamino ayaa xiligaas Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horay ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u dakanowday kiiska Ikraan Tahliil oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.