Siyaasi caan ah oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax miino oo lala beegsaday siyaasi caan ah oo ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Wadajir, waxaana lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan, xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadda Jimcaha.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan uu dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi miino oo la dhigay meel aan ka fogeyn masjidka uu ku tukuday salaadda Jimcaha.

Dhaawaca Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagula tacaalayo sidii wax looga qaban lahaa xaaladihiisa oo ah mid aan wanaagsaneyn.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta xisbiyada siyaasadeed furtay, islamarkaana taageerayaasha madaxweynihii hore ka mid ah, isagoo u dagaalami jiray ama difaaci jiray siyaasadaha Farmaajo iyo maamulkiisa.

Weli ma jirto koox sheegatay qaraxa. Sidoo kale, booliska dowladda Soomaaliya ayan weli wax war ah kasoo saarin.