Axmed Madoobe oo soo saaray go’aan culus oo ku saabsan arrinta gobolka Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray bayaan dheer oo uu kaga hadlayo isbadalka dalka ka dhacay iyo xaalada gobolka Gedo, isagoo si faahfaahsan u dul istaagay qorshihiisa dib ugu laabashada Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafad ay abuurtay dowladii Madaxweyne Farmaajo, taas oo aad u saameysay gobolka Gedo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hadda ay Jubbaland diyaar u tahay xalinta caqabad kasta oo jiray Gedo ka taagan, isagoo tilmaamay in caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa, balse aan qusayn bulshada deegaanka.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maanta laga bilaabo la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana aanay jirin maamul Cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa balan-qaaday in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii Dowlada Federaalka ah ay gobolkaas ka abuurtay aan cidna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono.

17-kii bishaan May, Wasiirka warfaafinta Jubaland Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay Jubbaland dib ugu soo ceshaneyso gobolka Gedo.

Wasiirka oo la haday Idaacadda VOA ayaa sheegay in qaabka dib u heshiisiin ah ay doonayaan inay ku soo ceeshadaan gobolka Gedo, isla markaana ay doonayaan in dadka gobolkaas loo sameeyo dib u heshiisiin, isagoo shaaciyey in waxgaradka gobolka Gedo ay ku soo wargeliyeen in maamulkoodii ay diyaar u yihiin in dib loogu soo celiyo.

Dhanaca kale Madaxweynaha Jubaland ayaa soo dhaweeyay isbadalka cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shantii sano ee lasoo dhaafay dalka soo hogaaminayay isla markana aqbalay natiijada doorashada.

Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay isla markana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayn ee ay soo qabteen.

Madaxweynaha Cusub ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Madaxweynahu Alle uga baryay inuu la garab galo shaqada culus ee hortaala isagoo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Dowlada Cusub garab istaagan si shaqooyinka horyaala ay u fuliso iyadoo haysta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.