Rubuc qarni kadib qaran-jabkii dowladii Somalia

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

‘Qarni waliba ehelkiis, Qoraxiba dharaarteed, taariikh waliba waayaheed, dhacdo waliba xusuusteed, dharaar waliba haynteed.’

 26-ka Janaayo ee fooda nagu soo haysa haduu Alle idmo waxaa buuxsamaya rubuc qarni(25 sano) ay Soomaaliya ku jirto ‘ burbur, kala go’go  iyo fawdo. Somaalaay maxaynu ka baranay burburkii inagu dhacay, ma is waydiinay?

26-kii Janaayo 1991-kii waxay ahayd maalin taariikhda baal madow u gashay Soomaali oo idil. Waa maalintii ay dhacday dowladii dhexe, madaxwaynihii wadankana Jaalle M.S. Barre uu isaga huleelay caasimada Muqdisho, wadankiina uu gacantanta u galay jabhado is aaminid la’aan iyo xukun jacayl dartii u wadaagi waayay talada wadnka, dagaalkii sokeeye sidaa uga qarxay guud aha wadanka.

Dhibaatooyin naf, maal iyo caqliba isugu jira aya lagu waayay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya. Illaa 400,000 oo qof aya ku dhintay 20-kii sano ee burburka, 1.3 milyan oo qofoodna waxay ku barakaceen dalka gudihiisa(Universal Tv, 2011.) ku dhowaad hal milyan oo qofood waxay ku jiraan xeryaha qoxootiga ee dalalka deriska ah. kumanaan dhalinyaradii mustaqbalka ayaa ku dhintay safarka geerida ah ee Tahriibka.

Wadanka aan xuduuda wadaagno ee Ethiopia, 4 bilood ka dib burburkii Soomaaliya 28-kii May 1991-kii, waxaa afgabmi aan dhiig ku daadan ku qabsay talada wadanka xisbiga EPRDF uu horkacayay Meles Zenawi. Jawigu uma muuqan wadan inqilaab ka dhacay, wax walba sidoodii ayay u socdeen, mushaharaadkii shaqaalaha dowlada iyo ciidankaba 31-kii bishii May waa la bixiyay. Ethiopia oo ay ku noolyihiin qowmiyado kala diin, af, iyo dhaqanba ah, dunidoo dhan aya ku amaanay arinkaaas.

Lakiin jabhadihii mucaaradka ku ahaa dowladii Kacaanka ee M.S.Bare dalkana qabsaday waxay hananwaayeen dhismo maamul Soomaali oo dhan ay u dhanyihiin, sida jabhadihii la wareegay Ethiopia ay sameyeen, wadankiina sabab ugu noqday inuu dagaal sokeeye lugaha la galo. Maanta waan aragnaa meeshay Ethiopia marayso, waxay ka mid tahay wadamada Afrika aad u koraya dhinaca milatariga iyo dhaqaalaha. Adis Ababa waxay saldhig u tahay xarunta midowga Afrika. Ethiopia inaan wax ka baranno soo ma mudna?

Illaa burburkii dowladii Siyaad Barre waxaa dadaalla badan lagu bixiyay sidii loogu soo celin lahaa hanaankii dowlaadnimo laga bilaabo Raas-Casayr, Lowya-Cade illaa Raas-Keenbooni. laakiin wili laguma guulaysan. Abwaan shube(2007) oo is waydiinaya arinkaas, wuxuu yiri “Duruufaha maanta yaal; dhibtaan la dayaysan nahay; da’deen inalama qabtee; dalkeena maxaa ku furay?” Waxaa guuldaraas gundhig u ah laba qodob, qabyaalad iyo hoggaan xumo.

Qabyaaladu waa mabda’ ku dhisan ” kaligay aan noolaado”, ” kaligay aan wax maamulo inta kalena hoos.” Qabyaaladi waa mida wiil iyo abtigiis kala gaysay, waa mida keentay labada wada dhashay inay qudha iska jaraan, dadkii u kala qoqobtay beelo beelo, maamulo ku dhisan hab qabiil. Inagoo ah qaran laga hibaysto Afrika, qabyaaladi waa mida inaga dhigtay raq habar dugaag oo dhami isugu timi, intii Soomaali dhexdeeda is cunaysay.

Ayax Dhowre(Eebe weyne ha u haxariistee) Soomaaliya oo aan dowlad ahayn ayuu ka hadlay qabyaalad siday u dumiso qaran dhisan,

” Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil qaran ku waydaaye

Qaabiilba haabiil intuu qoonsaduu dilaye

Qar hadumo qiyaamana hadhaco qoysna yuu hadhine.

Alle weyne idinkiis markaynu ka xorownu cudurkaas maankeena iyo maskdeena degay (Qabyaalada ah), qaran jira oo dunida wax la qaysadan noqondoonaa.

Qodobka labaad, hoggaan xumidu waxay ka khaldantay asaaska qof walba oo Soomaali ah. Sida uu ku xusay qoraa Siciid  Cali  Shire buugiisa hogaaminta,

“ilme  kasta  oo  Soomaali  ah,  waxaa  lagu  habaa  haruub  uu  ka  buuxo                 ‘reerhebel’. ‘Reer hebel’ baa raggeenii laayey, xooleheenii dhacay, xaqeennii duudsiyey, ‘reerhebel’ baa nolosha inaka hor taagan. Ilmahaas waxa qalbigiisa ku abuurma nacayb uu u qabo ‘reer‐hebel’. Amasida Keenadiid (2009) laga sheegay ‘qofka Soomaaliga ihi wuxuu kula colloobbaa markuu ogaado ciddaad tahay (qabiilkaaga.)”

Hogaamiyaasha maanta jooga waa kuwaa asaaskii ka khaldamay. Hogaamiya kasta reerkiisa iyo maxaaan cunaa wax intaa dhaafsiisan lagama sugo, hadii intaa uu waayana waa “Cadyahow ku cunay ama ku ciideeyay.” Siyaasiyiinta maanta joogta qabyaaladaa kala wayn qaranimada. Alle ha u naxariistee abwaan Xaaji Aadan Af‐qalooc dardaarankiisa ku aadana siyaasiga waxa ka mid ahaa ‘ Mas’uuliyadu waa adagtahoo waa ammuur culuse; ardaal iyo nimaan qaadi karin looma aamino e.’

Sanadii 2012-kii doorashadii u horeysay ee Madaxweyne aya ka dhacday gudaha caasimada Soomaaliya. Roobkii Xamar iyo hareeraheeda ka da’ay waxa la oran karaa waa bilowga tubta soo celinta hanaankii dowladnimo ee Soomaaliya. Shantii sano ee u dambeysay, shacabku waxay u muuqdaan kuwa ka daalay dagaalaadii sokeeye, doonaya mar’un inay ku indho doogsadaan dowlad midnimadii umada soo celisa.

Si looga baxo caqabadaha maanta taagan, waa in la helaa isbedel nafteena ah . Alle weyne Quraanka wuxuu inoo sheegay (إِنَّ اللَّهَ لا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُوا مَا بِأَنْفُسِهِمْ)

(Alle ma bedelo xaaladda ay ku jiraan qoom(dad) illaa naftooda ay isbedel ku sameyaan.)

Ururada rayidka ah gude iyo dibadba waa inay muujiyaan doorkoda ku aadan geedi-socodka soo celinta dowladnimadii luntay. Dhinaca kale,Is afgarad iyo tanaasul siyaasadeed oo laga unko gunta, si loo baadi goobo midnimadii umada, aya ah tallaabo xal lagu gaari karo.

Gunaanudkii, Soomaali wixii u horyay ay isku laysay wuxuu ahaa aan kuu taliyo iyo ii talin maysid anigoo reer-hebel ah. Rubuc qarni ka dib maanta Soomaali waa inay ka gudubtaa waxna ka barataa. Intii dhimatay, daawacantay ama barakacday aya dhib noogu filan. Qofkii dhug lahow dheeho, qofkii dhaayo lahowna arag, qofkii dhego lahow maqal, Qabyaaladi dugsi maleh waxay dumiso mooyaane.

W/Q: Ibrahim Abdulkadir

794545@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com