Stephen M. oo aan ka hawlgeleynin MUQDISHO!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Dowlada Mareykanka ay Danjiro cusub usoo magacawday dalka Somalia, ayaa waxaa magacaabidaasi la daba dhigay amar la xiriira amaanka Danjiraha cusub iyo xaalada Somalia.

War qoraal ah oo ay soo saartay Dowlada Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in Danjire Stephen Michael Schwartz xiligaani ka howlgali doonin dalka Somalia sababo lagu micneeyay amaan darida ka taagan gayiga Somalia.

Qoraalka ayaa waxaa lagu bayaaniyay in Ujeedka loo soo magacaabay Danjire Stephen Michael Schwartz uusan aheyn in saldhig ay u noqon doonto dalka Somalia, balse magacaabida laga damacsanaa xoojinta xiriirka labada dal oo qura.

Danjire Stephen Michael Schwartz ayaa kusii shaqeyn doona magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, halka xiliyada qaarna socdaal kusoo gaari doonaan dhamaan diblumaasiyiinta ka howlgali doona Safaarada magaalada Muqdisho si xaalada guud ee Somalia loola socdo.

Docda kale, Dowlada Mareykanka ayaa daaha ka rogtay in Somalia ay garab kasiin doonto xasilinta xaalada amni iyo tan Siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com