Ruto oo shaaciyey waxa uu ka yeelayo kiiska badda ee go’aanka laga gaaray

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto oo wareysi siiyey idaacadda BBC ayaa ka hadlay mowqifkiisa ku aaddan muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo ay horay go’aan uga gaartay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda (ICJ).

Madaxweyne Ruto, oo dhawaan markii xilka loo caleema-saaray ay wada kulmeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in arrimaha loo kala xallin doono sida ay u kala horreeyaan.

”Hadda Soomaaliya waxa ay leedahay madaxweyne aan la hadli karno. Madaxweyne waxa uu diyaar noola yahay inaan howlaha u qabanno sida ay u kala horreeyaan, waxaan ku faraxsan nahay inuu xoogga saarayo la dagaallanka argagixisada, adduunka oo dhan – oo ay Kenya ku jirtana – wuxuu kala shaqeynayaa sidii uu u burburin lahaa xagjirnimada qalalaasaha wadata iyo argagixisada,” ayuu yiri Ruto.

Mar wax laga waydiiyey muranka badda la xiriira waxa uu yiri ”Muranku waa arrin ay dalalka deriska ah mar walba xallin karaan. Waxa aan hadda u baahan nahay waa inaan xalinno oo aan amni ka dhigno gobolkeenna.”

Ruto waxa kale oo uu sheegay in waqtigaan aan la joogin xilli laga hadlo ka hadalka muranka xadka ee labada dal.

”Ma rabo inaan ka howl-galno muran ku saabsan xadka iyadoo ay dad dhimanayaan, iyadoo ay argagixiso meelaha joogaan, iyadoo xasilooni darro ay ka jirto gobolkeenna.”

Ruto ayaa sheegay in marka ugu horeyso ay tahay in xal loo helo arrimaha amniga kadibna wuxuu sheegay inay xal ka gaari karaan murankeenna xadka

Waxa uu u muuqday in uu rajo ka qabo dowladda cusub ee Soomaaliya inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal laga weydiiyay sababta ay mowduucan ugala hadli waayeen madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda eee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa kiiskaas oo sannado badan socday xukun kasoo saartay 12-kii bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo xadeynta ka dhigtay qaab u dhow sida ay Soomaaliya ku dooneysay, tallaabadaas oo ay Kenya si weyn ugu gacan seyrtay.

Markii ugu horreysay ee kiiska loo gudbiyay maxkamadda ilaa markii ay garsooreyaasha maxkamaddu ay go’aanka ku dhawaaqeen, William Ruto waxa uu ahaa madaxweyne ku xigeenka Kenya.

Madaxweynihii Kenya ee xilligaas, Uhuru Kenyatta, ayaa markii uu soo baxay go’aanka maxkamadda sheegay in dalkiisu uusan aqoonsaneyn natiijada.