Al-Shabaab oo caawa laga saaray deegaan muhiim ah

Bukh-aqable (Caasimada Online)- Ciidanka dowladda oo garabsanaya dadka deegaanka ayaa caawa si buuxda ula wareegay degaanka Bukh-aqable ee gobolka Hiiraan, halkaas oo mudo dheer ay Al-Shabaab ka talinayeen.

Wasiirka amniga dowlad goboleedka HirShabeelle Maxamed Kheyre ayaa oo wareysi siiyey Idaacadda dowladda ee Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyey in caawa Bukh-aqable ay ku jirto gacanta ciidamada dowladda iyo kuwa is abaabulay ee deegaanka.

Degaankaas ayaa Al-Shabaab u ahaa goob istaatiiji ah, wuxuuna ahaa mid kamid ah deegaanada ugu waaweyn ee gobolka Hiiraan ay ka maamulayeen.

Bishii hore ayaa weerar gaadmo ah oo ciidanka Danab ay fuliyeen waxaa xili habeen ah lagu qaaday isla deegaankan caawa la xoreeyey ee Bukh-aqable, waxaana lagu dilay xubno ka tirsanaa kooxda, in kastoo ay ciidanku dib uga soo laabteen.

Maxkamado, xafiisyo iyo saldhigyo waaweyn ayay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka caawa laga xoreeyey ee Bukh-aqable, waxaana gabi ahaan-ba gacanta kooxda ka siibaxaya gobolka Hiiraan oo dhan.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa Al-Shabaab ku baacsanaya gobolkaas, waxaana gacanta kooxda ku haray deegaano faro ku tiris ah, iyadoo maalinba deegaan lagu weerarayo.

Hoos ka dhageysi wareysiga wasiirka