28.9 C
Mogadishu
Monday, May 11, 2026

Ruushka oo adduun lacageed ku bixiyay faafinta xog been ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Facebook ayaa heshay in Ruushku uu maalgaliyay fariimo siyaasadeed iyo ol’ole bulshada kala qaybinaya oo loo adeegsaday barteeda ay bulashadu ku xiriirto.

Shirkaddu waxay sheegtay in $100,000 lagu bixiyay 30 xayaysiin, muddo labo sano ah oo ku eg bishii May ee 2017kii.

Xayaysiinnadaas ayaanse si gaar ah u taageeri shaqsiyaad gaar ah, laakiin waxay ka hadleen mawduucyo ay ka mid ayihiin, soo galootiga, jinsiga iyo xuquuqda sinnaanshaha.

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in ay baaritaanka arrintan iskala kaashadeen baareyaasha Maraykanka.

Caddaymaha ay shirkaddu heshayna waxay ku wareejinaysaa Robert Mueller oo ah dacwad ooge khaaska ah ee qaabilsan eedaymaha sheegaya in Ruushku uu farogaliyay doorashadii madaxweynaha ee Maraykanka oo sannadkii hore dhacday.

Xayaysiinnadan ayaa diiradda lagu saaray 470 ciwaanno Facebook oo faafinayay xog been ahayd ama liddi ku ahayd xeerarka Facebook, sida ay shirkaddu sheegtay.

BBC

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News