Ruushka oo markab dagaal usoo diraya Somalia.

Bayaan manta kasoo baxay dowlada Ruushka ayaa lagu shegay in Ruushka uu qorsheeynayo sidii uu markab dagaal ugu soo diri lahaay Khaliijka Cadan.

Roman Martov oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidamada Mariiniska Ruushka ayaa mar uu saxaafada lahadlayay waxa uu sheegay in markabka {Marshal Shaboshnikov} uu kazoo dhaqaaqay saldhig ay ciidamada Bada Ruushka ku leeyihiin bariga wadankaas islamarkaasna uu kusoo wajahanyahay biyaha Soomaaliya si uu qayb uga noqdo dagaalka lagula jiro Burcad-badeeda.

Sarkaalkaan uhadlay ciidamada badda Ruushka ayaa sheegay in markabkaan dagaal uu maalmahaan waday safari tijaabo ah kahor intuusan usoo dhaqaaqin biyaha Soomaaliya.

Markabkaan dagaal ee Marshal Shaboshnikov ayaa sanadkii 2010 waxa uu soo badbaadiyay markab siday shidaal lagana lahaa wadanka Ruushka kaasoo ay afduubteen burcad badeeda Soomaalida.

Ruushka ayaa qayb muhiim ah oo firfircoon ka ah ladagaalanka Burcad-badeeda Soomaalida waxayna maraakiib dagaal oo farabadan usoo direen biyaha Soomaaliya iyagoo raacaya qaraarka QM ee tirsigiisu yahay 1897 soona baxays anadkii 2009, iyo qaraar kazoo baxay madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin kaasoo soobaxay isna sanadkii 2008 bishii October.