Soomaalida Reer Minnesota: Ma Ogyihiin waxa ay u codaynayaan?

Sanadkan 2012-ka guud ahaan dalka Maraykanka waxaa ka dhici doona doorashooyinka guud. Taas waxaa sii dheer in gobalo badan oo ay Minnesotaku jirto loo codayn-doono- In Wax Ka Badalid lagu sameeyo Cahdi goboleedka sida kan Minnesota oo 2 (labo) arin oo waa weyn loo codayn-doono.

Soomalidu waxa ay tiraahdaa “War helaa Talo Hela”, run-ahaantiina Soomaaliduna waa dad aad oola socda wararka meelkasta oo ay aduunka ooga noolyihiin. Marka qormadaydo ma ahan in aan wax cusub idiin sheego ee waa iga xasuusin oo kaliya maadaama dadku inta badan ay isha ku hayaan loolanka adag ee u dhaxeeya labada nin ee kala ah Romney iyo Obama.

Waa Maxay Waxa dadku U Codaynayaan Ee Cahdi Gobladeedka Minnesota?

I. Waxaa loo coday doonaa in wax ka badalin lagu sameeyo Cahdiga gobalka oo hada aynan sifiican oogu qeexnayn waxa guurku uu yahay. Hadaba Soomaaliyeey inagu ka muslimiin ahaan waxaynu guur u naqaanaa heshiis u dhaxeeya lamaane ah nin iyo naag (wiil iyo gabadh). Marka aad codaynaysid 6-da November, fadlan u codee “Haa”. Haa macnaheedu waxa ay tahayMinnesotaguur waxa ay u aqoonsan heshiis u dhaxeeya Nin iyo Naag. Arinkani waxa uu boqolkiiba boqol ka muhiimsanyahay tan madaxwayna aad u codaynaysid.

AMENDMENT 1
RECOGNITION OF MARRIAGE SOLELY BETWEEN ONE MAN AND ONE WOMAN

Shall the Minnesota Constitution be amended to provide that only a union of one man and one woman shall be valid or recognized as a marriage inMinnesota?
YES
NO

Maxaa dhacaya hadii aad iska dhaaftid in aad codaysid ama “Maya” aad u codaysid? 

  • Caruurtaada oo iskuulaadka lagu baro in wiilashu is guursan karaan.
  • In maxkamadaha gobalku ay go’aamiyaan in waaliku uusan xaq u lahayn in ilmihiisa uu fasalka ka wato.
  • In iskuulaadku aysan waajib ku ahayn in ay ogaysiiyaan waalidka in ay barayaan ilmahooda in wiilku wiil kale guursan karo, gabadhuna gabadh kale guursan karto.

Hadii aad tahay muwaadin Maraykan ah fadlan codkaaga dhiibo. Waxaadna ogaataa in Maalinta Qiyaamaha lagu waydiin doono waxa aad arinkaa ka tadhi. U sheeg saaxiibadaa, qaraabadaada, dariskaaga iyo dadka aad isla shaqaysaan ee Soomaaliyeed in arin Obama iyo Romney ka wayn kana muhiimsan ay jirto. Balanteenu waa codkaaga oo noqda “Haa”.

II. Kaadh-ka Aqoonsiga Iyo Marka La Codaynayo

Waxaa loo codayn doonaa in doorashadaan wixii kadanbeeya laga rabi doono qofkasta marka uu codaynayo in uu layimaado kaadh aqoonsi dowladeed. Kaadh kaasi waa in uu ahaadaa mid uusan taariikhdiisu dhacsanayneen, cinwaanka shakhsiga codaynaya waa in uu ahaadaa midka uu markaas dagan yahay.

AMENDMENT 2
PHOTO IDENTIFICATION REQUIRED FOR VOTING

Shall the Minnesota Constitution be amended to require all voters to present valid photo identification to vote and to require the state to provide free identification to eligible voters, effective July 1, 2013?
YES
NO

Hadaba anigu hadii Allaah uu ogalaado waxa aan u codaynayaa “Maya” sababahaan soo socda daraadood:

Aniga oo u arka in arinkaani uu yahay mid ay wataan dad aanan jeclayn qoxootiga, dadka laga tirada badan yahay oo ay Soomaalidu ka midka yihiin iyo odayaasha.

  • Dadkeena Soomaaliyeed oo ah reer guuraa oo labadii sanaba guri horleh u guura, taas oo sababi karta in ay hilmaamaan in ay cinwaankooda ay badalaan.

Doorashadu waa Talaado 6-da bishan soo socada ee November. Codayntu waxa ay bilaaban doontaa Totobada Subaxii (7:00 am) ilaa Sideeda (8:00 pm) Fiidkii.

C/risaaq Macalin Mursal

binumursal@gmail.com