R/Wasaare Cabdi Weli oo wasiir cusub magacaabay, wasiirna xilka ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdi Wali Sheekh ayaa lagu magacaabay wasiir Cusub oo ay yeelato wasaaradda Caafimaadka dalka Somalia waxaana xilkaas loo magacaabay Cali Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Cali Xareed.

Xilka Wasiirka Caafimaadka dalka Somalia ayaa waxaa horey u hayay Generaal Axmed Maxamed Maxamuud oo ahaa wasiirka Caafimaadka tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Cabdi Wali Sheekh uu Magacaabay Xukuumaddiisa.

Cali Xareed
Cali Xareed

Wasiirka Cusub Wasaaradda Caafimaadka Cali Xareed ayaa horey xilal ugu soo qabtay dowladihii Kumeel gaarka ahaa isagoo xilal kasoo qabtay wasaaradaha Gaashandhigga, Dalxiiska iyo Duur joogta. Sidoo kale wuxuu horey u soo noqday Xildhibaan ka tirsan dowladda Somalia.

Si kastaba lama oga sababta keentay in xilka laga qaado wasiirkii hore Caafimaadka dalka Somalia Gen. Axmed Maxamed Maxamuud.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com