Barre Hiiraale oo xabsi dhigay ciidamo kasoo goostay Axmed Madoobe (XOG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Col. Barre Hiiraale uu Jeelka dhigay Maleeshiyaad dhawaan kasoo goostay Hoggaamiyaha Raaskambooni Axmed Madoobe.

Wararku waxa ay sheegayaan in sababta ka dambeysay xariga Maleeshiyaadkaasi ay tahay kadib markii Xogo muhiim u ahaa Barre Hiiraale ay heleen Maleeshiyaadka Raaskambooni sida Baqaarada lagu keydiyo hubka iyo Macluumaad ku aadan qaabka ay u shaqeeyan kuwa taabacsan Barre.

Sargaal ka tirsan Kooxda Barre Hiiraale, ayaa xaqiijiyay in Maleeshiyaadka kasoo goostay Axmed Madoobe ay qaarkood xireen, kadib markii ay bixiyeen Macluumaad aan iyaga khuseyn oo ku aadanaa Siyaasada Dagaal ee Kooxda Barre.

Sargaalka ayaa Tilmaamay inay wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan Maleeshiyaadka iminka u xiran, waxa uuna sheegay inaysan kasoo horjeedin in loosoo goosto, balse ay diidayaan in laga Uruuriyo Macluumaad loona gudbiyo Axmed Madoobe.

Xariga Maleeshiyadaani, ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyadoo Afar maalin ka hor Maleeshiyaad ka goostay Axmed Madoobe ay ku biiren Kooxda Barre Hiiraale, iyadoona ay arrintaasi ka dhalatay shaki soo food-saaray Saraakiisha Barre Hiiraale.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com