XOG: Yaa ka DAMBEEYEY in KALIIL uu iska dhiibo Kismaayo? + Dhiirannaanta Barre oo walaac ka abuurtay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan magaalada isbadel weyn uu ku dhacay siyaasada qaar ka mid ah mucaaradkii kasoo horjeeday maamulka Kismaayo ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, kadib markii Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil uu ku biiray siyaasiyiinta iska dhiibay Kismaayo.

Maxamed Cabdi Kaliil oo ahaa xubin ka mid ah raga sida weyn uga soo horjeeda siyaasada aan dareenka shacabka ku dhisteen ee laga wado magaalada Kismaayo, ayaa waxaa uu muddooyinkii danbe ku sugnaa Muqdisho, isagoona halkaasi wadahadal dheer kula jiray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed, kaasi oo si weyn ugu cadaadiyey inuu qaato wada shaqeyn uu la yeesho Axmed Madoobe.

Kaliil oo markii hore diiday inuu aragtidaasi qaato ayaa waxaa laga soo xiray albaabkii uu dowlada kala xiriiri jiray oo aheyd xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii si cad looga reebay socdaalkii Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku tagayey magaalada Garbahaareey oo aheyd meesha fadhiga u ah maamulka gobolkaasi.

Waxaa muran iyo buuq uu arrintaasi ka sameeyey kadib loo sheegay in haddii uu rabo inuu sii ahaado guddoomiyaha Gedo inuu ka tanaasulo diidmadiisa maamulka Axmed Madoobe islamarkaana uu degdeg ku gaaro magaalada Kismaayo, iyaddoo uusan wax shuruud ah ku xireyn aqbalaada maamulkaasi inuu yahay mid sax ah oo matali kara gobollada Jubbooyinka.

Waxaa ay taasi keentay in la arko , Kaliil oo Kismaayo afka saaray balse aan la kulmin wax soo dhaweyn ah, maadaama uu ahaa shaqsi kaligiis socda oo aan wadan wax miisaan culus u yeeli karay socdaalkiisa, maxaa yeelay gobolka Gedo oo uu magaciisa ku socday waxaa ay gebi ahaan kasoo horjeedaan maamulka Kismaayo.

“Kaliil waxaan dhihi karaa waa siyaasi aan aqoon maalinta guusha iyo maalinta guuldarada siyaasada, waxaana uu raacay wadadii fashilka ee siyaasadiisa, maxaa yeelay meesha uu tagay waxaa horey u joogay oo wax isbadel ah sameyn waayey Cabdirashiid Janan, Xasan Dheere, Prof, Maxamed Macalin Aadan iyo Gen, Fartaag, isagana waxaa uu noqon doonaa fadhiid aan Kismaayo soo dhaafin” ayuu yiri siyaasiga Maxamed Jamac Cali oo si weyn uga faalooda arrimaha siyaasada geeska Africa.

Dhinaca kale wasiirkii hore ee gaashaandhiga dowlada Soomaaliya  Col., Barre Aden Shire  “Hiiraale” oo ah  hadda guddoomiyaha Gollaha Nabada iyo Midnimada JUBBA ayaa waxaa uu todobaadkan tababar usoo xiray qaarka mid ah ciidankiisa iyo ciidan kale oo kasoo goostay maamulka Axmed Madoobe oo dhawaan isaga u yimid, waxaana uu ciidankaasi u qeybiyey direyska ciidanka qaranka Soomaaliya.

Ciidankan oo munaasabada loogu soo xirayey tababarka kusoo bandhigay dhoola-tus ayaa waxaa ay muujisay inuu Col, Barre Hiiraale iyo Saraakiisha kale ee la joogta sida Col. Cabdi Cigaal inay aad ugu dadaaleen diyaarinta ciidan qaran oo dalka iyo dadka wax u tari kara, islamarkaana wax ka gacan kara ciidamada Kismaayo soo dhaafi waayey ee Axmed Madoobe.

Sidoo kale markii la soo bandhigay muuqaalka Col. Barre Hiiraale iyo ciidankiisa diyaarsan ayaa waxaa soo baxay qalqal laga dareemay dhanka ammaanka magaalada Kismaayo, iyaddoo islamarkiina ciidanka Raaskambooni iyo kuwa Kenya la geliyey heegan buuxa oo ah inay magaalada Kismaayo difaacdaan, dareenkaasi cabsida ah markii Kismaayo uu ka jiray, taasi badelkeeda Goobweyn ayaa waxaa ka socday dhoola-tus iyo digaar garow amar dagaal oo ka dhan ah cidkasta oo dhib u ah dadka deegaanka.

Warbaahinta sida indha la’aanta u taageerta Axmed Madoobe ayaa isku dayey inay warar been ah faafiyaan, islamarkaana ay beeniyaan ciidankaasi Col. Barre Hiiraale tababarka usoo xiray, waxaase arrintaas caddeeyey muuqaalka Col, Barre Hiiraale iyo ciidanka uu tababarka siinayo oo waxkasta bulshada u cadeynaya.

Tan iyo markii Axmed Madoobe iyo kooxdiisa Raaskambooni ay sheegteen inay yihiin maamulka Jubba ayeysan dhaafin Kismaayo, waxaana ay inta badan sheegaan inay isku ballaarin doonaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, balse waxaa cad in meel kalaba daaye aysan Goobweyn oo wax yar u jirta ay tegi waayeen inta ay jireen.

Dowlada Kenya oo horey dagaalkii Kismaayo ula safneyd Axmed Madoobe ayaa si cad u sheegtay inaysan markan kooxda Jubba ku taageeri karin dagaal Col. Barre Hiiraale lagu qaado, maadaama ciidan ahaan iyo cudud ahaan si weyn isku diyaariyey islamarkaana  aysan ku jirin ogolaanshaha ay heysato ee ah nabad ilaalinta. Go’aankaasina waa ku dhabar jab weyn Axmed Madoobe.

Isha: K24